31.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

DF Soomaaliya oo amar siisay ciidamada jooga Galmudug

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullahi Maxamed (Kaniif) oo ka qayb-galay munaasabad uu xilka kula wareegay taliyaha cusub ee qaybta Booliska Galmudug Gaashaanle Sare Maxamed Daahir Cabdulle ayaa amar siiyay saraakiisha iyo ciidamada Booliska ee ka howlgala deegaannada maamulkaas, xilli ay taagan tahay xiisad u dhexeyso dowladda iyo Galmudug.

Munaasabadda waxaa ka baaqday taliyihii xilka laga qaaday Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin, kaas oo la saftay Madaxweyne Qoor-Qoor oo mar kale dib usoo magacaabay, waxayna taas keentay in xilka uu wareejiyo mid kamid ah saraakiishii Booliska ee gacanta ku hayay faylasha shaqada.

Kaniif oo ka hadlay xil-wareejinta ayaa faray dhammaan ciidamada inay si buuxda ula shaqeeyaan taliye Maxamed Daahir, ayna u hoggaansamaan amaradiisa oo toos uga imaanayo dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Xil wareejinta maanta halkan ka dhacday oo lagu soo dhaweynaayo taliyaha qaybta waxay qayb ka tahay xafladihii hore oo saas oo kale dhici jiray, waxaan rabaa Booliska inaan u sheego dhammaantiin isbeddelka cusub ee lasoo sameeyay oo taliyaha qaybta ah in lala shaqeeyo si shaqada bulshada loo haayaa ay usoo baxdo,” ayuu yiri Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu ku adkeeyay inay xoojiyaan shaqadooda, isla markaana ay ka shaqeeyaan sarreynta sharciga iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.

“Waa inaa shaqadiina kor u qaadaan waa inaa sharciga ka shaqeysaan waa inaa kala dambeynta ka shaqeysaan, una kala garsoortaan dadka shacabka ah,” ayuu mar kale yiri Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullahi Maxamed (Kaniif).

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhawaan ay kala fogaadeen Qoor Qoor iyo Xasan Sheekh, kadib markii uu ka dhex-qarxay khilaaf xooggan.

Si kastaba, arrimaha haatan kasoo cusboonaaday Galmudug ayaa salka ku haya doorashada maamulkaas, wuxuuna khilaafkan bilow u yahay mowjado siyaasadeed oo maalmaha socda ku wajahan magaalada Dhuusamareeb.

- Advertisement -

Read more

Local News