27.4 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Masar oo meel Puntland u dhow ka baadi goobeysa…

Bookmark
Bookmarked

Share

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda markab shidaal oo laga afduubtay meel ka baxsan xeebaha Yemen, kaas oo markii dambe loo kaxeeyay dhanka biyaha Soomaaliya ee u dhow Puntland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa sheegtay in markabka shidaalka ee M/T Eureka laga qafaashay biyaha Yemen, iyadoo ay saarnaayeen siddeed badmaax oo u dhashay Masar. Wasaaraddu waxay sheegtay in ay wado dadaallo lagu xaqiijinayo badqabka shaqaalaha, laguna fududeynayo in si degdeg ah loo sii daayo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa faray safaaradda Masar ee Muqdisho inay si dhow ula socoto xaaladda badmaaxiinta Masaarida ah, isla markaana ay la xiriirto dhinacyada ay khuseyso si loo siiyo taageero kasta oo suuragal ah.

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Yemen ayaa Sabtidii 2-dii May sheegay in markabka M/T Eureka ay afduubteen koox hubeysan oo aan la aqoonsan, kuwaas oo ka qabsaday meel ka baxsan xeebta gobolka Shabwa ee koonfur-bari Yemen. Kooxda ayaa la wareegtay gacan-ku-haynta markabka, kadibna u leexisay dhanka Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya. 

Ilaalada xeebaha Yemen ayaa sheegay in la ogaaday halka uu markabku ku sugan yahay, isla markaana ay socdaan tallaabooyin lagu daba-galayo, lagu soo celinayo markabka, laguna xaqiijinayo badqabka shaqaalaha saaran.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay kordhayaan walaacyada laga qabo dib usoo laba-kacleynta weerarrada burcad-badeedda ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya, Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen.

Warbixinnada amniga badda ayaa bilihii u dambeeyay ka digayay in kooxo hubeysan ay mar kale bartilmaameedsanayaan maraakiibta ganacsi, iyagoo ka faa’iideysanaya hoos u dhaca feejignaanta caalamiga ah iyo mashquulka ciidamada badda ee gobolka ku sugan.

Si kastaba, ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay afduubka markabka M/T Eureka, mana cadda in kooxda hubeysan ay xiriir toos ah la leedahay shabakadaha burcad-badeedda Soomaaliya. Hase yeeshee, jihada loo kaxeeyay markabka iyo xilliga ay dhacdadu kusoo aaday ayaa sii xoojiyay cabsi laga qabo in amniga badda ee gobolka uu mar kale wajahayo khatar culus.

- Advertisement -

Read more

Local News