31.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Cali Ciid oo ka baxay garabka madaxweyne Qoor-Qoor, shaaciyayna inuu…

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa soo dhaweeyay bilaabista diiwaan-galinta iyo kaarar qaybinta Galmudug, xilli dhawaan la qorsheynayo inay maamulka ka dhacdo doorasho qof iyo cod.

“Waxaan halkan ku bogaadinaynaa, kuna soo dhoweynaynaa horumarrada muhiimka ah ee laga gaaray geedi-socodka dimuqraadiyadda ee dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug,” ayuu Cali Ciid ku yiri war-saxaafadeed uu maanta soo saaray.

Tallaabooyinkan ayuu madaxweyne ku-xigeenka ku sheegay inay markhaati u yihiin rabitaanka shacabka iyo dadaalka madaxda ee ku aaddan xoojinta dowladnimada.

“Tani waa tallaabo geesinnimo leh oo loo qaaday dhanka nidaamka ‘qof iyo cod’, kaas oo muwaadin kasta siinaya fursad uu ku go’aansado masiirkiisa hoggaamineed,” ayuu yiri Cali Ciid.

Arrintan ayaa imaneysa kadib markii khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) si weyn looga dareemayo magaalada Dhuusamareeb.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka qabta in Madaxweyne Qoor-Qoor uu carqaladeeyo doorashada golaha deegaanka iyo tan baarlamaanka ee lagu wado inay Galmudug ka qabsoomaan 20-ka June iyo 2-da July, iyadoo doorashada hoggaanka Galmudug la muddeeyay in la qabto 9-ka July.

Qoor-Qoor ayaa doonaya inuu mar labaad xafiiska ku soo laabto, halka Dowladda Federaalka ay jagadaas u waddo shakhsi kale, waana halka uu is-maandhaafkoodu ka taagan yahay.

Dad badan oo ku nool magaalada Dhuusamareeb ayaa ka baqdin qaba in khilaafka siyaasadeed ee xiisadda ka abuuray magaaladaas uu isku beddelo gacan ka hadal.

Si kastaba, dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku guuleysatay in inta badan saraakiisha booliska iyo nabad-sugidda Galmudug ay ka baxaan garabka Qoor-Qoor, waxayna Villa Somalia caqabadda hortaagan u aragtaa taageero la’aanta militariga deggan Dhuusamareeb.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Cali Ciid:

Soo dhoweynta doorashada Koonfur Galbeed iyo bilaabista diiwaangelinta iyo kaarar qaybinta Galmudug

Waxaan halkan ku bogaadinaynaa, kuna soo dhoweynaynaa horumarrada muhiimka ah ee laga gaaray geedi-socodka dimuqraadiyadda ee dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Tallaabooyinkan waxay markhaati u yihiin rabitaanka shacabka iyo dadaalka madaxda ee ku aaddan xoojinta dowladnimada.

1. Doorashada Koonfur Galbeed
Waxaan si diiran u soo dhoweynaynaa qabashada doorashada Koonfur Galbeed, taas oo fure u ah xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka degaanka.

Waxaan aamminsannahay in doorasho xalaal ah oo ku dhacda jawi nabdoon ay tahay jidka keliya ee lagu gaari karo horumar waara iyo metelaad dhab ah.

2. Diiwaangelinta Galmudug

Sidoo kale, waxaan bogaadinaynaa bilowga hawlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee Galmudug. Tani waa tallaabo geesinnimo leh oo loo qaaday dhanka nidaamka “Qof iyo Cod”, kaas oo muwaadin kasta siinaya fursad uu ku go’aansado masiirkiisa hoggaamineed.

- Advertisement -

Read more

Local News