Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa beeniyay inuu ku biiray mid kamid ah ururrada siyaasadda dalka, gaar ahaan Midowga Haybad-Qaran oo ay isugu tageen siyaasiyiin jilib culus ah, uuna u sharraxan yahay Ra’iisul wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Lafta-gareen oo weli ku doodayo inuu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si cad u beeniyay inuu ku biiray ururro siyaasadeed, isaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka lagu baahiyay baraha bulshada.
“Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) wuxuu si adag u beeninayaa wararka lagu faafinayo baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkood ee sheegaya in Madaxweynaha uu ku biiray ururro siyaasadeed oo ka jira Soomaaliya,” ayuu yiri Cabdicasiis Laftagareen.
Waxaa kale oo uu intaas kusii daray “Sidoo kale Madaxweynaha wuxuu mabda’ ahaan aaminsan yahay muhiimadda wada-shaqeynta si loo xaqiijiyo nabadda, xasilloonida, dib u heshiisiinta iyo horumarka dalka”.
Dhinaca kale, waxa uu carrabka ku dhuftay in haatan uu ku mashquulsan yahay inuu diiradda saaro gudashada waajibaadka loo igmaday ee Koonfur Galbeed iyo u adeegidda shacabka ku dhaqan deegaannada maamulkaasi.
Lafta-gareen ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka iyo warbaahinta inay ka taxadaraan faafinta wararka been abuurka ah, isla markaana ay xogta saxda ah ka raadiyaan ilaha rasmiga ah.
Si kastaba, Lafta-gareen iyo kooxdiisa oo horay looga saaray Baydhabo ayaa haatan dhaq-dhaqaaq ka wada Nairob, iyadoo sidoo kale ciidamadii taabacsanaa ay ku sugan yihiin qaybo kamid ah gobolka Gedo oo ay ka wadaan abaabul iyo is uruursi ciidan.


