Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo lagu qabtay magaalada Kampala.
Munaasabadda oo ahayd mid ballaaran ayaa waxaa ka qayb-galay madax kala duwan oo ka socotay gobolka, hoggaamiyeyaal caalami ah iyo wufuud heer sare ah oo lagu casuumay xafladda oo markale lagu caleema saaray Museveni.
Xasan Sheekh ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Uganda, isaga oo u rajeeyey in hoggaamintiisaay dadka iyo dalka u horseedo guul, horumar iyo barwaaqo.
Sidoo kale wuxuu adkeeyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka siyaasadeed, midka amni iyo iskaashiga kala dhexeeya Uganda, si loo xaqiijiyo nabad, horumar iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda Geeska Afrika.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda martigelinta diirran ee ay u sameeyeen wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal.
Waa munaasabaddii labaad ee caleema saar ee uu ka qayb-galayo Madaxweynuhu, isaa oo maalin kahor tegay tii loo qabtay Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, taasi oo ka dhacday magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Madaxweynaha Soomaaliya oo u hambaleeyay dhiggiisa Geelle iyo shacabka dalka Jabuuti ayaa xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga walaaltinimo ee u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Jabuuti iyo Uganda ayaa kamid ah dalalka taageero Soomaaliya, kana caawiya dhanka ammaanka, maadaama ay ciidamo ka joogaan gudaha dalka, kuwaas oo ka qayb-qaata howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee Al-Shabaab.


