Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sii deysay qaar kamid ah dadkii loo xiray banaanbaxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho, taas oo ka dhigan in dowladdu deg-deg u fulisay dalabkii mucaaradka.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii saaka wada-hadallo uga furmeen xerada Xalane Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, iyadoo mucaaradka uu shuruudda koowaad ka dhigay sii deynta dadka shacabka ah ee loo xiray aragtiyahooda iyo cabashooyinkii ay muujiyeen dartood.
Kulamada u dhexeeya labada dhinac, oo ay garwadeen ka yihiin wakiillo ka socda beesha caalamka ayaa haatan door muhiim ah ka qaadanaya dadaallada lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed ee dalka.
Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in la guda galo dood ku saabsan nooca doorasho ee dalka iyo waqtiga ay qabsoomeyso, iyadoo Dowladda Federaalka ay weli ku adkeysaneyso qabashada doorasho qof iyo cod ah.
Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa sheegay inay suurtagal tahay qabashada doorasho dadban oo ay ka qeyb-geli karaan qeybaha kala duwan ee bulshada, si looga fogaado khilaaf iyo muran hor leh oo siyaasadeed.
Golaha Mustaqbalka ayaa caawa yeelanaya kulan gaar ah oo ay kaga tashanayaan shirka berri ka dhacaya gudaha xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ee gudaha Xalane.
Wada-hadallada saaka bilowday ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee noocooda ah ee lagu qabto Xalane, isla markaana ay door weyn ku leedahay beesha caalamka, si loo gaaro xal kama dambeys ah oo ku saabsan khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana si weyn isku haya dhinacyada siyaasadda, maadaama lagu jiro xilli adag oo kala guur ah, isla markaana la isku fahmi la’yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka KMG ah.

