Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto oo wareysi siiyay Telefishinka France 24 ayaa markii ugu horreysay si faah-faahisan uga hadlay dagaalkii u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ee horraantii December 2024-kii ka dhacay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, isaga oo qiray fara-gelin uu dalkiisu ku lahaa dagaalkaasi.
William Ruto ayaa shaaca ka qaaday in ay taageero u fidiyeen Ciidanka Xoogga Dalka ee xilligaas ka firxaday dagaalka, ayna u daad gureeyeen gudaha dalkooda.
“Waxaa jiray dagaal u dhaxeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Jubbaland, kuwaas oo ku sugnaa xadka Kenya. Xaqiiqdii, xilligaas qaar ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xitaa lagu riixay gudaha Kenya, taasoo sii adkaysay xaaladdii horay uga jirtay halkaas,” ayuu yiri madaxweyne Ruto.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ujeedkooda uu ayaa in xaaladda ay dajiyaan, ayna kala badbaadiyaan ciidamada, taasna ay ku guuleysteen.
“Waxaan ku qasbanaannay inaan taageerno qaar ka mid ah ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, inaan daadgureyno oo caawinno, si aan u dejinno xaaladda isla markaana loo yareeyo colaadda” ayuu yiri mar kale yiri Madaxweynaha Kenya.
Si kastaba, ha”ahaatee dagaalka Raaskambooni ayaa dhaliyay khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh iyo in ciidamadii dowladda ay ka cararaan Raaskambooni, ayna isku dhiibaan ciidamada Kenya, iyaga oo ka tallaabaday xadka.
Barta Twitter-ka ee Hey’adda ka hortagga Dambiyada Argagixiso ee dowladda Kenya ayaa iyaduna xilligaaas lagu baahiyey sawirrada askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo isku dhiibay ciidamada Kenya, kadib markii ay ka gudbeen xuduudda.
Sawirrada ayaa muujinayay ciidamada oo hubkooda dhigaya iyo kuwa Kenya oo soo dhaweynaya, xaaladda Raaskambooni in xog rasmi ah laga helo ayaa aad u adag, maadaama aysan jirin wax isgaarsiin ah.

