Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow soo dhammaaday shirkii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, iyadoo illaa iyo hadda aan la gaarin wax natiijo ah, sida ay sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.
Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku fahmi la’yihiin arrimo ay kamid yihiin sida loo wajahayo xaaladda kala guurka ah, maadaama uu dhamaaday muddo xileedka hay’adaha dowlada, welina aan la’isku fahmin nooca doorashada ee dalka.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, labada dhinac ayaa ku ballamay in la’isku laabto galabta, isla markaana la amba qaado wada-hadallada, si xal loo raadiyo.
Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in kulanka galabta looga doodi doono hannaanka doorashooyinka iyo doodda ka taagan dastuurka, waxaana labada dhinac ay haatan galeen wadatashiyo ka hor shirka galabta.
Xubnaha mucaaradka oo xulafo la ah Maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa laga sugayaa inay soo bandhigaan nooca doorasho ee ay rabaan, halka ay Villa Somalia weli ku adkeysaneyso doorashooyin dadweyne oo haatan ka socda dalka, gaar ahaan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dhankooda wakiilada beesha caalamka, gaar ahaan danjireyaasha Mareykanka iyo Ingiriiska oo qayb ka ah dhex-dhexaadinta ayaa ku cadaadinaya Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqablka inay heshiis gaaraan, kahor 15-ka May, haddii kale ay ku dhawaaqi doonaan in Soomaaliya ay gashay marxalad cusub, taas oo cabsi badan leh, isla markaana dib u dhigeysa horumarradii la sameeyay.
Shirku wuxuu ka socdaa xarun ay maamusho dowladda oo ku dhex-taalla Xalane, sida uu shalay sheegay Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay in aysan wadan wax ajendi ah, sida uu hadalka u dhigay.
“Shirka madaxda dalka iyo kooxda mucaaradku xafiis dawladdu leedahay ayuu ka dhacayaa iyo dhul dawladdu ka taliso,” ayuu yiri Fiqi oo qoraal soo saaray.
Waxaa kale oo uu kusii daray “uwa aan isku kalsoonayn ee dhibcaha ka raadinaya wax kasta waxaan u Cadnaan’s in madaxda dalka wadahadalku u yahay mabda’, laakin kooxda calaacalku wax qiimo uguma fadhiyo, waayo wax ajende ah ma wataan oo aan ahayn wadahadal kasta in ay fashiliyaan”.
Waa kulankii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu qabanayo Xalane, isla markaana ay door wayn ku leeyahay beesha caalamka, si loo gaaro xal kama dambeys ah oo ku aadan khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

