Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa dib u dhigtay qorshihii dib loogu furi lahaa xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, sababo la xiriira xaaladda amni iyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan gudaha Soomaaliya, sida uu shaaciyay Madaxweynaha Kenya, William Ruto.
Ruto oo wareysi siiyay telefishinka France 24 ayaa sheegay in qorshaha furitaanka xadka uu hakad galay kadib markii ay dagaallo ka dhex qarxeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland, kuwaas oo saameyn ku yeeshay deegaannada ku dhow xadka labada dal.
Madaxweynaha Kenya ayaa tilmaamay in xaaladda amni ee halkaasi ay sii murugtay, kadib markii ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya ay gudaha u galeen Kenya, xilli ay socdeen dagaallo u dhexeeyay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubaland.
“Wax walba si wanaagsan ayay u socdeen ilaa uu khilaaf weyn ka dhex qarxay dowladda Muqdisho iyo dowlad-goboleedyada. Dagaallo ayaa ka dhacay meel u dhow xadka Kenya, waxaana gudaha Kenya usoo gudbay qaar kamid ah ciidamada Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Ruto.
Waxa uu sheegay in dowladda Kenya ay door ka qaadatay dejinta xaaladda, isla markaana taageero u fidisay ciidamada Soomaaliya si loo xakameeyo colaadda iyo qalalaasaha ka dhacay deegaannada xadka.
Ruto ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya ay caqabad ku noqdeen hirgelinta qorshaha dib loogu furayay xadka labada dal, isaga oo tilmaamay in xaaladda siyaasadeed ee hadda jirta ay tahay mid aan weli caddayn.
“Ma cadda halka ay xaaladdu ku dambeyn doonto. Waxaan isku daynay inaan dhex-dhexaadino dowladda Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada, balse weli guul kama aynaan gaarin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Ruto ayaa xusay in muddo xileedka hay’adaha dowladda Soomaaliya uu galay marxalad xasaasi ah, isaga oo sheegay in muddo xileedka baarlamaanka Soomaaliya uu dhammaaday, halka muddo xileedka madaxweynaha uu gabagabo ku dhow yahay.
Bishii Febraayo ee sanadkan ayuu Madaxweyne William Ruto si rasmi ah u shaaciyay in bisha Abriil dib loo furi doono xadka Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaan marinka Mandheera, si dib loogu soo celiyo isu socodka dadka iyo ganacsiga labada dhinac ee xadka.
Xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa xirnaa tan iyo sanadkii 2011 kadib markii dowladda Kenya ay qaaday tallaabooyin amni oo la xiriiray weerarro ay kooxda Al-Shabaab ka geysatay gudaha dalkaasi, kuwaas oo saameyn ballaaran ku yeeshay ammaanka iyo xiriirka ganacsi ee labada dal.

