27.5 C
Mogadishu
Thursday, May 14, 2026

Lafta-gareen oo si adag uga digay dhaq-dhaqaaqa DF, farriina u diray b/caalamka

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Cabdicasiis Lafta-gareen oo weli ku doodaya inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa si adag uga horyimid doorashooyinka Dowladda Federaalka ay ka waddo deegaanada maamulkaas.

Lafta-gareen ayaa doorashooyinka ka dhacay maamulka ku tilmaamay kuwo aan sharciyad lahayn, isagoo sheegay in maamulku leeyahay madaxweyne si dastuur ah loo doortay, goleyaal dowladeed iyo hay’ado sharci ah oo u xil saaran maamulka iyo hoggaaminta dowladda.

“Cid kasta oo isku dayaysa inay qabato doorasho ama dhisto maamul aan waafaqsaneyn dastuurka iyo shuruucda dalka waxay ku xadgudbeysaa nidaamka federaalka, midnimada shacabka iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka,” ayuu yiri Lafta-gareen.

Sidoo kale, wuxuu si adag uga digay falal iyo xadgudubyo uu sheegay inay ciidamada Dowladda Federaalka, oo si sharci-darro ah ugu soo galay deegaanada Koonfur Galbeed, ku hayaan shacabka rayidka ah.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka inay ka feejignaadaan warar iyo ololeyaal uu sheegay in lagu marin habaabinayo bulshada, isla markaana la ixtiraamo madax-bannaanida, dastuurka iyo hay’adaha rasmiga ah ee Koonfur Galbeed.

Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 10-kii bishan doorashooyin isku sidkan ka qabatay 13 degmo oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool, iyadoo si buuxda ay uga qayb-galeen dadweynaha Koonfur Galbeed oo u dareeray goobaha codbixinta ee loo asteeyay doorashada.

Loolanka ayaa u dhexeeyay 15 urur siyaasadeed oo isku diiwaan-geliyay ka qayb-qaadashada doorashooyinka golaha wakiilada Koonfur Galbeed, iyadoo golaha wakiiladda isku soo sharraxeen illaa 394 musharrax oo isugu jiro rag iyo dumar.

Sidoo kale golaha deegaanka waxaa ku loolamaya 18 urur, iyada oo ay isa soo sharraxeen illaa 1,297 oo isugu jiro rag iyo dumar u badan dhalinyaro.

Shacabka reer Koonfur Galbeed ayaa qoray taariikh cusub, iyadoo muddo ka badan 57 sano kadib markii ugu horreysay ay si toos ah uga qeybgalayaan doorasho qof iyo cod ah, si ay u doortaan hoggaankooda.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka:

Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada caalamka la wadaageysaa in doorasho ku sheega ee lagu qabtay deegaanada Koonfur Galbeed aysan lahayn wax sharciyad ah.

Dowladda Koonfur Galbeed waa Dowlad si rasmi ah u dhisan kana mid ah Dowladaha xubnaha ka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxay leedahay Madaxweyne si dastuur ah loo doortay, goleyaal dowladeed iyo hay’ado sharci ah oo u xil saaran maamulka iyo hoggaaminta Dowladda.

Sidaas darteed, cid kasta oo isku dayaysa inay qabato doorasho ama dhisto maamul aan waafaqsaneyn dastuurka iyo shuruucda dalka waxay ku xadgudbeysaa nidaamka federaalka, midnimada shacabka iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Waxaan si adag uga digeynaa falalka iyo xadgudubyada ay ciidamada si sharci-darro ah ugu soo galeen deegaanada Koonfur Galbeed ay ku hayaan shacabka rayidka ah.

Dowladda Koonfur Galbeed waxay ugu baaqeysaa shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in ay ka feejignaadaan wararka iyo ololeyaasha lagu marin habaabinayo bulshada, isla markaana la ixtiraamo madax-bannaanida, dastuurka iyo hay’adaha rasmiga ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dastuurka iyo dowladnimada waa in lagu ilaaliyaa sharci iyo wada-tashi, lagamana dhigi karo aalad lagu abuuro qalalaase siyaasadeed iyo kala qeybsanaan bulsho.

=DHAMMAAD=

- Advertisement -

Read more

Local News