30.9 C
Mogadishu
Friday, May 15, 2026

Dowladda Ingiriiska oo digniin ka soo saartay SOOMAALIYA

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ingiriiska ayaa markale cusboonaysiisay digniinta safarka ee Soomaaliya, iyadoo muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan qeybo badan oo kamid ah dalka sababo lagu sheegay xaaladdo amni oo weli taagan.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Biritayn ayaa lagu sheegay in dowladdaasi ay mamnuucday dhammaan safarrada aan daruuriga ahayn ee lagu tagayo Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Koonfurta iyo qaar kamid ah waqooyiga dalka.

Digniinta ayaa si gaar ah u xustay gobollada Togdheer, Sanaag iyo Sool, kuwaas oo lagu tilmaamay deegaanno ay ka jiraan khataro amni, colaado iyo weerarro ay fuliyaan kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu sheegay in dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-Shabaab ay sii xoogeysteen bilihii lasoo dhaafay, gaar ahaan deegaannada ku dhow magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee Koonfurta dalka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska ayaa sheegtay in khatarta weerarrada argagixiso ay weli sareyso, isla markaana ay suuragal tahay in bartilmaameed laga dhigo goobaha ay isugu yimaadaan dadka rayidka ah, xarumaha dowladda iyo goobaha ganacsiga.

Dowladda Britain ayaa sidoo kale uga digtay muwaadiniinteeda in haddii ay go’aansadaan inay sii joogaan Soomaaliya ay yeeshaan qorshe amni iyo mid degdeg ah oo u gaar ah, maadaama aysan si buuxda ugu tiirsanaan karin taageero rasmi ah oo dowladdaasi bixiso marka ay dhacaan xaalado degdeg ah.

Digniintan cusub ayaa kusoo aadeysa xilli Soomaaliya ay wajahaysa xaalado amni oo cakiran, inkastoo dowladda federaalka ay sheegtay inay guulo ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sugidda amniga qeybo kamid ah dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News