Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay bannaanbixii la qorsheeyey inuu maalinta berri ah ka dhaco magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Go’aankan ayay Madasha Samatabixinta sheegtay inay u qaateen si fursad loo siiyo wada-hadallo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ka socda gudah xerada Xalane.
Wada-hadalladan oo ay dhex-dhexaadinayaan xubno ka tirsan beesha caalamka ayaa looga dan leeyahay sidii xal looga gaari lahaa barakicinta, xabsiga sharci darrada ah, doorashooyinka iyo maamulka marxaladda kala guurka siyaasadeed ee dalka, sida ay sheegeen siyaasiyiinta mucaaradka.
“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay mar kale caddeynaysaa in bannaanbaxa la qorsheeyey uu ahaa mid nabadeed oo lagu dalbanayo jooginta barakicinta, iyo doorashooyinka halla dhinca ah, ilaalinta dastuurka, amniga iyo xuquuqda muwaadinka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay mucaaradka.
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa sheegay in taariikhda cusub ee bannaanbaxa uu qabsoomayo ay dib kasoo sheegi doonaan, iyadoo lagu salaynayo natiijada iyo horumarka laga gaaro wada-hadallada socda.
Si kastaba, wakiillada beesha caalamka, gaar ahaan danjirayaasha Mareykanka iyo Ingiriiska oo qayb ka ah dadaallada dhex-dhexaadinta ayaa ku cadaadinaya Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka inay heshiis gaaraan.
Haddii taas la waayana, waxaa la filayaa inay ku dhawaaqaan in Soomaaliya gashay marxalad cusub oo halis badan leh, taas oo dib u dhigeysa horumarradii la sameeyay.
Wada-hadalladan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee noocooda ah ee lagu qabto Xalane, iyadoo beesha caalamku door weyn ku leedahay dadaallada lagu raadinayo xal kama dambeys ah oo laga gaaro khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.


