Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgal qorsheysan oo ay ciidamadu ka fuliyeen duleedka magaalada Baydhabo lagu dilay dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo maleeshiyaad taabacsan Cabdicasiis Laftagareen oo ay sheegeen in ay isku milmeen.
Howlgalka oo ahaa duqeyn ayaa lagu dilay 50 xubnood oo isugu jiray Al-Shabaab iyo maleeshiyaad hubeysan oo garab siinayay, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Ciidanka ayaa sidoo kale burburiyay gaadiid dagaal iyo agab ciidan oo ay kooxuhu u adeegsanayeen abaabulka weerarro ka dhan ah Ciidanka Xoogga Dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, sida ay xaqiijisay wasaaraddu.
“Wasaaradda Gaashaandhigga waxay caddeyneysaa in weerarkii gaadmada ahaa ee Baydhabo ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad taabacsan Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo si toos ah ugu milmay Khawaarijta Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay in sheegashada weerarkaas ay muujinayso in maleeshiyaadkaasi ay noqdeen garab u adeegaya argagixisada, isla markaana khatar ku ah amniga qaranka iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.
“Dowladdu waxay xaqiijineysaa in aysan marnaba u dulqaadan doonin cid kasta oo hub ama maleeshiyaad u adeegsata dano siyaasadeed, carqaladeynta amniga, isla markaana cid kasta oo gacan siisa Khawaarijta ama u noqota weji ay ku dhuuntaan laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka:
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka magaalada Baydhabo, kaddib weerar gaadmo ah oo shalay subax ay kooxo nabad-diid ah iyo maleeshiyaad argagixiso oo wada socday ay kusoo qaadeen ciidan ku howlanaa sugidda amniga.
Howlgalka ayaa lagu dilay 50 xubnood oo isugu jiray Khawaarijta Al-Shabaab iyo maleeshiyaad hubeysan oo garab siinayay.
Ciidanka ayaa sidoo kale burburiyay gaadiid dagaal iyo agab ciidan oo ay kooxuhu u adeegsanayeen abaabulka weerarro ka dhan ah Ciidanka Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Gaashaandhigga waxay caddeyneysaa in weerarkii gaadmada ahaa ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad taabacsan Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo si toos ah ugu milmay Khawaarijta Al-Shabaab.
Sheegashada weerarka ee Khawaarijta ayaa muujinaysa in maleeshiyaadkaas ay noqdeen garab u adeegaya argagixisada, isla markaana khatar ku ah amniga qaranka iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.
Wasaaradda Gaashaandhigga XFS waxay tacsi u direysaa ehellada, qoysaska iyo guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ay ka shahiideen geesiyaashii naftooda u huray difaaca qaranka intii uu socday weerarkii shalay.
Dowladdu waxay xaqiijineysaa in aysan marnaba u dulqaadan doonin cid kasta oo hub ama maleeshiyaad u adeegsata dano siyaasadeed, carqaladeynta amniga, isla markaana cid kasta oo gacan siisa Khawaarijta ama u noqota weji ay ku dhuuntaan laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

