31.9 C
Mogadishu
Sunday, May 17, 2026

Soomaaliya oo noqotay dalka kaalinta koowaad ka galay qiimeynta adduunka ee…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday dalka sameeyay sare-u-kaca ugu weyn adduunka ee dhanka dib-u-habeynta xeer-nidaaminta isgaarsiinta, sida ku cad tirakoobka midaamyada ICT-da ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) laga soo bilaabo markii la daah-furay ilaa sannadka 2024.

Tani waxay Soomaaliya ka dhigtay dalkii sameeyay horumarka ugu weyn dhammaan dalalkii la qiimeeyay muddadaas. Sida ku cad warbixinta ITU ee soo baxday bishan Maajo 2026, dhibcaha guud ee Soomaaliya ee tirakoobka xeer-nidaaminta isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda ayaa ka kacay 0.0 sannadkii 2007 ilaa 77.5% sannadkii 2024, taasoo ka dhigan koror dhan +77.5 dhibcood.

Soomaaliya ayaa gashay kaalinta koowaad ee 15-ka dal ee lagu xusay inay horumarka ugu badan ka sameeyeen dhanka dib-u-habeynta nidaaminta Isgaarsiinta.

Isbeddelkan waxaa horseeday dib-u-habeyno la sameeyay tan iyo markii la aas-aasay hay’adda isgaarsiinta qaranka sannadkii 2018, iyadoo lagu dhisay sharciga isgaarsiinta qaranka.

Warbixinta raad-raaca jidaaminta ICT-da waa mid ka mid ah aaladaha ugu muhiimsan ee ITU u adeegsato cabbirka heerka horumarka nidaamyada maamulka ICT-da ee 194 dal.

Horumarkan ayaa Soomaaliya si rasmi ah ugu daray heerka nidaaminta ee Jiilka 3-aad (G3) ee ITU, kaas oo lagu tilmaamo heerka “kobcinta maalgashiga iyo helitaanka adeegyada.”

Maareeyaha guud ee hay’adda isgaarsiinta qaranka, Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa aqoonsigan ku tilmaamay mid ka tarjumaya dadaalladii Soomaaliya ay wadday tan iyo sanadkii 2018 si loo dhiso hay’ad madax-bannaan oo lagu kalsoonaan karo iyo hannaan sharciyeed casri ah oo hagaya suuqa Isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda.

“In laga soo gudbo dhibco eber ah lana gaaro kaalinta dalalka ugu sareeya ee sare-u-kaca sameeyay adduunka waa tallaabo muhiim ah, balse mudnaanteennu weli waxay tahay xoojinta tartanka suuqa, ballaarinta helitaanka adeegyada iyo adkaynta ilaalinta xuquuqda macaamiisha,” ayuu yiri Maareeyuhu.

Sidoo kale, Maareeyaha ayaa tilmaamay in warbixintan ay marqaati u tahay dadaallada dowladda ee daneeyayaasha qeybaha isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda, shirkadaha isgaarsiinta iyo saaxiibbada caalamiga ah ee sii wada taageerada isbeddelka dhijitaalka ah ee Soomaaliya.

Tan iyo sanadkii 2019, hay’adda isgaarsiinta qaranka waxay dejisay isla markaana hirgelisay xeer-nidaamyo sharciyeed oo dhammaystiran, kuwaas oo lagu diyaariyay hannaan wadatashi oo daahfuran.

Sharciyaddan waxaa ka mid ah nidaamka mideysan ee ruqsad-bixinta, xeer-nidaaminta isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta, nidaamyada maaraynta hirarka iyo qorshaha qaran ee hirarka isgaarsiinta, habraacyada tayada adeegyada iyo ilaalinta macaamiisha, iyo sidoo kale nidaamyada lambaraynta iyo istiraatiijiyadaha horumarinta teknoolojiyadda cusub si loo helo kaabayaal waara oo la isku halleyn karo.

- Advertisement -

Read more

Local News