30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 19, 2026

ISRAEL oo shaacisay qorshe ay ka damacsan tahay Somaliland

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee Israel u qaabilsan Somaliland, Michael Lotem, ayaa sheegay in xiriirka labada dhinac uu si degdeg ah u ballaaranayo, isla markaana ay socdaan qorsheyaal iskaashi oo taabanaya amniga, tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, teknoolajiyadda, ganacsiga, waxbarashada iyo adeegyada bulshada.

Lotem, oo wareysi siiyey telefishinka Israel ee N12, ayaa sheegay in Somaliland ay muujisay rabitaan xooggan oo ay ku dhiseyso xiriir ballaaran oo ay la yeelato Israel, kadib markii Israel bishii December 2025 si rasmi ah u aqoonsatay gobolkan dhaca Waqooyi-Galbeed Soomaaliya.

“Waxay doonayaan in la xoojiyo iskaashiga ku dhowaad dhammaan dhinacyada, laga bilaabo tamarta iyo kaabayaasha ilaa teknoolajiyadda, waxbarashada iyo isgaarsiinta,” ayuu yiri Lotem, sida ay baahisay N12.

Lotem ayaa sheegay in wadahadallada amniga ay qeyb ka yihiin xiriirka soo kordhaya, balse wuxuu ku adkeystay in iskaashigu aanu ku koobneyn difaac iyo amni oo keliya, balse uu sidoo kale gaarayo arrimo siyaasadeed iyo dhaqaale.

Israel ayaa bishii April u magacowday Lotem safiirkeedii ugu horreeyey ee Somaliland, kadib markii ay noqotay dowladdii ugu horreysay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee aqoonsata Somaliland. Safiirka ayaa markii hore noqonaya mid aan si joogto ah u deggeneyn Hargeysa.

“Sanadihii u dambeeyey, Israel waxay sameysay dadaallo diblomaasiyadeed oo badan si ay u xoojiso joogitaankeeda Afrika,” ayuu yiri Lotem.

Safiirka ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay kheyraad dabiici ah oo ay ka mid yihiin shidaal, gaas, dahab, bir iyo dhuxul, kuwaas oo uu sheegay in ay abuuri karaan fursado dhaqaale. Wuxuu intaas ku daray in Hargeysa ay daneyneyso in Israel ay kala shaqeyso silsiladda qiimaha ee dhinacyo badan, oo ay ku jiraan beeraha, biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada.

Lotem ayaa hore u soo noqday safiirka Israel ee Kenya, sidoo kalena wuxuu ahaa safiir aan degganeyn dalalka Uganda, Tanzania, Malawi iyo Seychelles.

Hadallada Lotem ayaa imanaya ayada oo Israel ay Isniintii si rasmi ah u guddoontay waraaqaha aqoonsiga diblomaasiyadeed ee ergaygii ugu horreeyay ee matala Somaliland bilo kaddib markii ay u aqoonsatay dal madax-bannaan.

Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog, ayaa Isniintii sheegay inuu waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Mohamed Hagi, xilli munaasabad ka dhacday Israel markii ugu horreysay lagu qaaday heesta Somaliland.

Herzog ayaa tallaabadan ku tilmaamay “iskaashi cusub oo muhiim ah,” isagoo sheegay in xiriirka labada dhinac uu ballaarin doono iskaashiga dhinacyo kala duwan.

Xiriirka cusub ee maamulka Somaliland iyo Israel ayaa qeyb ka ah dadaal ballaaran oo ay Tel Aviv ku dooneyso in ay ku xoojiso saameynteeda diblomaasiyadeed ee Afrika, gaar ahaan dalalka Muslimiinta u badan iyo goobaha u dhow marinnada istiraatiijiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa hore u sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay ku biirto Heshiisyada Abraham Accords, isaga oo ku tilmaamay hannaan kor u qaadi kara nabadda iyo iskaashiga Bariga Dhexe iyo Afrika.

Aqoonsiga Israel ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Hargeysa, balse waxaa si adag uga hortimid dowladda Soomaaliya, oo Somaliland ay tahay qeyb ka mid ah dhulkeeda. Midowga Afrika, IGAD iyo dalal dhowr ah ayaa sidoo kale ka digay tallaabadaas, iyaga oo sheegay in ay saameyn ku yeelan karto xasilloonida gobolka.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991kii, balse ma jirto cid aqoonsatay, marka laga reebo Israa’iil.

- Advertisement -

Read more

Local News