30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 20, 2026

Jaamacadda Carabta oo digniin culus u dirtay Somaliland kadib qorshaha safaaradda Qudus

Bookmark
Bookmarked

Share

Qaahira (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Geyd oo bayaan culus soo saaray ayaa Somaliland uga digay in ay safaarad ka furato magaalada Qudus ee xoogga ay ku haysato Israa’iil, xilli xukuumadda Cirro ay ku dhawaaqday in safaarad ay ka furaneyso magaaladaas, taas oo ka dhigan inay u aqoonsatay caasimadda dowladda Israa’iil.

Abuu Geyd ayaa sidoo kale arrintan ku tilmaamay mid bar-madow ku noqon doonta maamulka Somaliland oo horay aqoonsi uga helay Israa’iil.

Sidoo kale, Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa ka digay khatarta ka dhallan karta faragelinta Israa’iil ay ku hayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu cambaareeyay tallaabooyinka uu qaaday maamulkaas.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in ay waajib tahay in aan lagu xadgudbin midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, wuxuuna soo jeediyay in dalalka caalamka meel fog ay ka istaagaan farogelintaas, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, Israa’iil ayaa haatan qorsheyneyso in dhankeeda ay safaarad ka furato magaalada caasimada ah ee Hargeysa, sida uu shaaciyay Maxamed Xaaji, oo ah safiirka cusub ee Somaliland u qaabilsan Israa’iil.

Waxaa kale oo uu tallaabadaas ku tilmaamay calaamad muujineysa “saaxiibtinimo sii xoogeysaneysa, ixtiraam wadajir ah iyo iskaashi istaraatiiji ah” oo dhexmaraya labada dhinac.

Go’aanka ayaa yimid bilo kadib markii Israa’iil ay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan. Tallaabadaas ayaa Israel ka dhigtay dalkii ugu horreeyey ee caalamka ka tirsan ee aqoonsi rasmi ah siiya Somaliland, oo tan iyo 1991 raadineysay aqoonsi caalami ah.

- Advertisement -

Read more

Local News