Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa soo saartay digniin toos ugu socota Somaliland, taas oo la xiriirta safaaradda ay qorsheyneyso inay ka furato magaalada Qudus oo ay Falastiiniyiintu u aqoonsan yihiin caasimaddooda rasmiga ah.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in tallaabadaas ay tahay mid sharci darro ah oo ka hor imaanayso qawaaniinta caalamiga ah iyo go’aannada Qaramada Midoobay ee la xiriira xaaladda Qudus.
Wasaaradda arrimaha dibadda Masar waxay sheegtay inay si buuxda u diidan tahay isku day kasta oo lagu sharciyeynayo xaalad aan waafaqsaneyn sharciga caalamiga ah, iyadoo carrabka ku adkeysay in bariga Qudus uu yahay dhul Falastiini ah oo la haysto tan iyo sanadkii 1967.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Masar ay ixtiraameyso midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo dhanka kale ka digtay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimayso qarannimada Soomaaliya.
Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa iyaguna goor sii horreysay si adag u cambaareeyay qorshaha Somaliland uu ku dooneyso inay safaarad uga furato magaalada Qudus, iyagoo sharci darro ku tilmaamay.
Tallaabooyinkan ayaa imanaya xilli ay isa soo tarayaan wararka sheegaya in Somaliland ay qorsheyneyso inay xiriir diblomaasiyadeed oo dhow la yeelato Israa’iil, arrintaas oo dhalisay falcelin xooggan oo ka timid dalal iyo ururro Islaami ah.
Si kastaba, Israa’iil ayaa haatan qorsheyneyso in dhankeeda ay safaarad ka furato magaalada caasimada ah ee Hargeysa, sida uu shaaciyay Maxamed Xaaji, oo ah safiirka cusub ee Somaliland u qaabilsan Israa’iil.


