30.9 C
Mogadishu
Friday, May 22, 2026

Tirada maraakiibta maray marinka Hormuz 24-kii saaac ee la soo dhaafay iyo Iran oo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) – Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegtay inay si buuxda gacanta ugu hayaan amniga marin-biyoodka Hormuz, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha gobolka Bariga Dhexe iyo walaaca laga qabo saameynta ay ku yeelan karto ganacsiga caalamiga ah.

IRGC ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ciidamadeeda badda, oo kaashanaya ciidamada kale ee ammaanka Iran, ay 24-kii saac ee la soo dhaafay sugeen maritaanka ugu yaraan 35 markab oo ganacsi, kuwaas oo ay ku jiraan maraakiib shidaal siday, maraakiib konteenarro iyo noocyo kale oo ganacsi.

Bayaan kasoo baxay Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee IRGC ayaa lagu yiri: “Ciidanka Badda ee Ilaalada Kacaanka waxay abuureen marin-biyood ammaan ah oo loogu talagalay maraakiibta, si loo xaqiijiyo sii socoshada ganacsiga caalamiga ah iyo badqabka maraakiibta maraysa Hormuz.”

Marin-biyoodka Hormuz ayaa ah goob istaraatiiji ah oo isku xirta Gacanka Faaris iyo Badweynta Hindiya, waxaana maalin kasta mara qayb weyn oo kamid ah shidaalka caalamka loo dhoofiyo suuqyada Aasiya, Yurub iyo Mareykanka. Khubarada dhaqaalaha ayaa sheegaya in qalalaase kasta oo ka dhaca halkaas uu saameyn weyn ku yeelan karo qiimaha shidaalka adduunka.

Dhanka kale, Hay’adda Maareynta Marin-biyoodka Gacanka Faaris ee Iran ayaa soo bandhigtay khariidad cusub oo lagu magacaabay “Aagga Kormeerka Maamulka Marin-biyoodka Hormuz,” taas oo muujineysa meelaha ay Iran sheegtay inay si dhow ula socon doonto dhaqdhaqaaqa maraakiibta.

Sida lagu sheegay ogeysiiska rasmiga ah, aaggan wuxuu ka bilaabanayaa xariiqda isku xirta Buurta Mubarak ee Iran iyo koonfurta Fujairah ee Imaaraadka Carabta dhinaca bari, ilaa xariiqda isku xirta dhammaadka Jasiiradda Qeshm ee Iran iyo Umm Al Quwain ee Imaaraadka dhinaca galbeed.

Dhaqdhaqaaqan cusub ayaa sare u qaadaya walaaca laga qabo in Tehran ay kordhiso xakamaynta ay ku hayso marin-biyoodka muhiimka ah ee Hormuz.

Tallaabadan ayaa la sheegay in Iran ay uga dan leedahay inay dunida tusiso awooddeeda militari iyo saamaynta ay ku leedahay marin-biyoodka ugu muhiimsan ee shidaalka adduunka, xilli ay weli taagan yihiin xiisadaha kala dhexeeya reer Galbeedka.

Wargeyska The Guardian ee Britain ayaa tilmaamay in tallaabada Iran ay kusoo aaday xilli Mareykanka iyo xulafadiisu ay sare u qaadeen joogitaanka ciidamada badda ee gobolka, si loo ilaaliyo maraakiibta ganacsiga iyo kuwa tamarta qaada.

Si kastaba ha ahaatee, khilaaf kasta oo ka qarxa Hormuz ayaa si weyn u saameyn kara isku socodka shidaalka iyo badeecadaha caalamka, maadaama marin-biyoodkan uu muhiim u yahay dhaqaalaha adduunka.

- Advertisement -

Read more

Local News