30.9 C
Mogadishu
Sunday, May 24, 2026

DF Soomaaliya oo isbeddel ku sameysay taliska ciidanka xoogga ee Koonfur Galbeed

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isbeddel ku sameysay hoggaanka Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ka howl-gala deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, xilli maamulka uu wajahayo xaalado amni oo cakiran.

Munaasabad ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxaa xilka kula wareegay taliyaha cusub ee qeybta 60-aad, Korneel Isaaq Bardaale, kaas oo beddelaya taliyihii hore ee qeybtaasi. Munaasabadda xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada dowladda iyo mas’uuliyiin kale.

Taliye ku-xigeenka ciidanka dhulka ee xoogga dalka, Jeneraal Cabdullaahi Xuseen Ciro oo si rasmi ah u guddoomiyay munaasabadda ayaa faray taliyaha cusub inuu dardar-geliyo howl-gallada milatari ee ka socda deegaannada Koonfur Galbeed.

Jeneraal Ciro ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay in taliska cusub laga sugayo inuu sare u qaado wada-shaqeynta ciidamada iyo sugidda amniga guud ee gobolka.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidamada qeybta 60-aad ay sii laba jibbaaraan howl-gallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab, kuwaas oo muddooyinkii dambe dhaq-dhaqaaqyo ka waday qaybo ka mid ah gobollada Baay iyo Bakool.

Magacaabista Korneel Isaaq Bardaale ayaa ku soo aadeysa xilli deegaanno hoostaga magaalada Baydhabo ay maalmihii la soo dhaafay ka dhaceen dagaallo culus oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalladaasi ayaa la sheegay inay ku lug lahaayeen dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo xubno ka tirsanaa maamulkii hore ee madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, inkastoo aan weli si rasmi ah loo faahfaahin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska horimaadyadaasi.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalladaasi lagu dilay saraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka, halka sidoo kale ay jiraan dhaawacyo soo gaaray ciidamada dowladda, xilli dowladda federaalka ay waddo qorshe lagu xoojinayo amniga iyo howl-gallada ka socda Koonfur Galbeed.

Dowladda Federaalka oo haatan gacanta ku haysa maamulka ayaa rabta inay qabato doorashada hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed, si ay maamulkaasi u geysato hoggaan taabacsan, kaas oo la rumeysan inuu yahay musharax Aadan Madoobe, oo dhawaan shaaciyay inuu ka sharaxan yahay xisbiga JSP ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

- Advertisement -

Read more

Local News