Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo xalay jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa la garnaqsaday Madaxweynaha Puntland oo ay si weyn isku hayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Muungaab ayaa ku eedeeyay Saciid Deni inuu fawdo iyo rabsho ka abaabulo Muqdisho, isla markaana uu kicinayo shacabka, si ay u banaabaxaan, balse uusan rabin in la qalqalgeliyo amniga magaalooyinka waa wayn ee Puntlalnd.
“Waxaan rabaa hal odey inaan la garnaqsado oo la yiraahdo Saciid Cabdullahi Deni diyaarad ayuu Garoowe ka soo raacayaa Muqdisho ayuu imaanayaa wuxuu leeyahay reer Muqdishow mudaharaada dowladda halaga horyimaado xaafadaha ha lagala deg-dego ha su’aal haddii aan waydiiyo war inta aadan Garoowe kasoo tegin so magaalo Soomaaliyeed ma ahan? mudaharaadka maad halkaas ka sameysid Boosaaso maa ka sameysid,” ayuu yiri Muungaab.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in uu suurad-xumeynayo amniga caasmada, markii uu yimaadana uusan soo dhaafin gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
“Shacabka Garoowe haddii uu yiraahdo mudaharaada dowladda iyo madaxweynaha JFS ku madaharaada maka yeelaayaan laakiin wuxuu rabaa inuu diyaarad soo raaco Xalane gudaheeda meel xero ah uu dago dabadeedna uu yiraahdo Muqdisho amno ma ahan”.
Dhanka kale, wuxuu farriin u diray Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo uu ugu baaqay in aysan ka qayb qaadan banaanbaxyada haatan laga abaabulayo caasimada, kuwaas oo ay horkacayaan xubnaa mucaaradka dalka.
Si kastaba, Mucaaradka ayaa maalmahan ku doodayay in Xasan uu sharci darro ku joogo Villa Somalia, isla markaana uu yahay Madaxweyne hore oo lamid ah madaxdii dalka soo martay, sida ay hadalka u dhigeen.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, iyadoo weli la’isku hayo hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuutka kumeel gaarka ah.

