Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa ballaarisay barnaamijka tababarka milateri ee ay siiso ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor, iyadoo markii ugu horreysay lagu daray isticmaalka taankiyada culus iyo gaadiidka gaashaaman.
Tallaabadan ayaa muujineysa in tababarka ciidamada Gorgor uu ka gudbayo howlgaladii hore ee ku koobnaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, weerarrada degdegga ah iyo xeeladaha ku dhufoo ka dhaqaaqda, una wareegayo dagaal dhul oo culus oo ku dhisan taankiyo, gaadiid gaashaaman iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo ballaaran.
Warbixin lagu daabacay bogga Military Africa ayaa sheegtay in ciidamada Gorgor hadda loo diyaarinayo awood cusub oo ka mid ah dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xilli Muqdisho ay isku diyaarineyso inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga gudaha ee dalka.
Tababarka cusub waxaa loo qeybiyay laba waddo. Qeyb ka mid ah waxaa lagu bixinayaa xarunta tababarka milateri ee TurkSom ee Muqdisho, halka qeybta kale lagu bixinayo xarumaha gaarka ah ee ciidamada kumaandooska Turkiga ku leeyihiin magaalada Isparta ee dalka Turkiga.
Turkiga ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay tababaray dhowr guuto oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya, balse ku darista taankiyada, makaanikada gaadiidka culus iyo xeeladaha dagaalka gaashaaman ayaa muujineysa heer cusub oo uu gaaray iskaashiga difaaca ee labada dal.
Barnaamijkan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya ku shaqeynta qalabka milateri ee Turkigu siiyay Soomaaliya, kuwaas oo isugu jira taankiyo dib loo dayactiray iyo gaadiid casri ah oo u adkaysta qaraxyada miinooyinka.
14-kii Febraayo 2026, markabka ciidamada badda Turkiga ee TCG Sancaktar ayaa dekedda Muqdisho ka dejiyay taankiyo lagu qiyaasay 10 illaa 15 xabbo oo noocyadoodu yihiin M48 iyo M60 Patton.
Shixnaddaas ayaa markii ugu horreysay muddo ka badan soddon sano dib u soo celisay taankiyo silsilad ku socda oo ka mid noqda awoodda dagaal ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, tan iyo burburkii hay’adihii dowladda ee 1991.
Taankiyadan ayaa la filayaa inay ka barbar shaqeeyaan gaadiidka kale ee gaashaaman ee Turkigu hore u siiyay Soomaaliya, oo ay ku jiraan ugu yaraan 20 gaari oo ah BMC Kirpi MRAP, kuwaas oo lagu wareejiyay Soomaaliya intii u dhaxeysay 2020 iyo 2021.
Qaar ka mid ah taankiyada la keenay ayaa ah M48 Patton oo hore uga tirsanaa ciidamada Turkiga. Turkiga ayaa haysta tiro badan oo ka mid ah taankiyadan, iyadoo qaarkood la casriyeeyay horraantii 1990-meeyadii, laguna sameeyay isbeddello farsamo oo kordhiyay awooddooda.
Nooca M48A5T2, oo ah mid ka mid ah noocyada la casriyeeyay, waxaa laga saaray matoorkii hore ee shidaalka ku shaqeynayay, waxaana lagu beddelay matoor diesel ah oo 750-horsepower ah. Taankigan oo culeyskiisu yahay ku dhowaad 45 tan ayaa gaari kara xawaare ku dhow 48 kiilomitir saacaddii, wuxuuna socon karaa masaafo ku dhow 499 kiilomitir.
Sidoo kale, waxaa lagu rakibay madfac 105mm ah oo awood u leh inuu rido rasaasta caadiga ah ee NATO, nidaam lagu hago bartilmaameedka, qalab kuleylka wax ka arka iyo qalab cabbira fogaanta bartilmaameedka. Arrimahan ayaa u oggolaanaya ciidanka inay bartilmaameed ku arkaan qiiq, boor iyo mugdi.
Hase yeeshee, taankiyadan ayaa sidoo kale wata caqabado. Inkastoo ay leeyihiin gaashaan adag oo ka difaaci kara rasaasta culus, madaafiicda fudud iyo qaraxyada qaar, haddana ma haystaan nidaamyada casriga ah ee ka hortaga gantaallada lidka taankiyada iyo qaraxyada waaweyn ee miinooyinka, kuwaas oo weli ka mid ah xeeladaha ay adeegsato Al-Shabaab.
Caqabadda kale ayaa ah dayactirka iyo sahayda. Ku shaqeynta taankiyo 45 tan ah waxay u baahan tahay shidaal badan, qalab dayactir oo gaar ah, farsamoyaqaanno tababaran iyo silsilad sahay oo joogto ah. Soomaaliya, oo ciidankeeda muddo dheer la daalaa-dhacayay dhaqaale iyo qalab yari, arrintan waxay u noqon kartaa tijaabo weyn.
Warbixinta ayaa sheegtay in macallimiinta Turkiga ay arrintan uga hortagayaan in tababarka lagu daro casharro farsamo oo ku saabsan dayactirka matoorada, nidaamka hydraulic-ga iyo qalabka xasiliya madfaca taankiga, si cutubyada Soomaaliyeed ay ugu yaraan u sameyn karaan dayactirka aasaasiga ah iyaga oo aan si joogto ah ugu tiirsanaan khubaro shisheeye.
Dhinaca kale, Turkiga ayaa toddobaadkan Soomaaliya ku wareejiyay saddex helikobtar oo dagaal oo nooca T-129 ATAK ah, kuwaas oo loogu talagalay inay ka caawiyaan dowladda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wareejintaas ayaa timid kadib wada-hadal telefoon oo dhex maray Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo Erdoğan ku ballanqaaday in Ankara ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya ee dhanka la-dagaallanka argagixisada.
Turkiga ayaa sidoo kale ciidanka badda Soomaaliya siiyay laba helikobtar oo utility ah, taas oo qeyb ka ah heshiiskii difaaca ee Muqdisho iyo Ankara kala saxiixdeen bishii Febraayo 2024, kaas oo ka mid ahaa qorshe ballaaran oo lagu dhisayo awoodda badda Soomaaliya.
Tababarka cusub ee dagaalka gaashaaman ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad amni oo xasaasi ah. Hawlgalka AUSSOM ayaa beddelay ATMIS, iyadoo weli ay socdaan dadaallo lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya inta ay dowladda federaalka isku diyaarineyso inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga.
Gorgor ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaataan howlgalada waaweyn ee lagu bartilmaameedsanayo saldhigyada Al-Shabaab ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan meelaha u baahan awood gaadiid culus, difaac ballaaran iyo sugidda goobaha istiraatiijiga ah.
Falanqeeyayaasha milateriga ayaa rumeysan in cutubyada ugu horreeya ee taankiyada lagu tababaray ay marka hore xoogga saari doonaan difaaca xarumaha muhiimka ah, sugidda waddooyinka waaweyn iyo ilaalinta aagagga istiraatiijiga ah, halka gaadiidka fudud iyo cutubyada lugta ah loo adeegsan doono howlgalada dhaq-dhaqaaqa badan.
Haddii tababarkan uu guuleysto, wuxuu Soomaaliya siin karaa awood ay muddo dheer weyday: ciidan leh awood dhul oo culus, gaadiid gaashaaman, taankiyo iyo taageero cirka ah oo isku xiran. Laakiin guusha qorshahan waxay ku xirnaan doontaa awoodda Soomaaliya u yeelato inay dayactirto qalabkan, ilaaliso sahaydiisa, una adeegsato si joogto ah oo ka baxsan bandhig milateri oo keliya.

