30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Xiliga la qabanayo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa lagu dhawaaqay xilliga la qabanayo doorashooyinka dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha uu si rasmi ah u muddeeyay doorashooyinkaas.

Jadwalka cusub ee uu soo bandhigay guddiga doorashooyinka ayaa muujinaya in doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed la qaban doono 2-da June 2026, halka doorashada Madaxweynaha loo qorsheeyay inay dhacdo 10-ka June 2026.

Sidoo kale, Guddiga Doorashooyinka ayaa soo gudbiyay, isla markaana shaaciyay, liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiillada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, kadib markii Maxkamadda Sare ee dalka ay si rasmi ah u ansixisay natiijada doorashooyinkii golayaasha deegaanka iyo wakiillada ee dhowaan ka dhacay maamulka Koonfur Galbeed.

Go’aanka ansixinta ah ayaa lagu gaaray fadhi ay yeesheen garsoorayaasha qaybta doorashooyinka ee Maxkamadda Sare, waxaana saxiixay dhammaan xubnaha guddiga oo ka kooban shan garsoore.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in guud ahaan Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed uu ka kooban yahay 95 xubnood, balse xubnaha la soo gudbiyay ay yihiin 92 xildhibaan, halka saddexda kursi ee harsan la sheegay in ay ku xiran yihiin ururrada siyaasadeed oo aan weli soo gudbin xubnahooda.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in mudnaan gaar ah la siinayo dhameystirka hay’adaha dastuuriga ah ee dalka iyo qabashada doorashooyin loo marayo hannaan sharci ah oo waafaqsan xeerarka doorashada.

Waxa uu guddigu ugu baaqay musharraxiinta, ururrada siyaasadda iyo bulshada inay ilaaliyaan xasilloonida iyo hufnaanta geeddi-socodka doorashada.

Doorashooyinkii ka qabsoomay Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka qeyb-galay 32 urur siyaasadeed oo u tartamay Golaha Wakiillada, taasoo dhalisay muran ku saabsan qaabka codeynta iyo guulaha laga gaaray, kahor inta aysan Maxkamadda Sare go’aan ka soo saarin.

Kuraasta Golaha Wakiillada oo dhan 95 ayaa waxaa hoggaanka u haya ururka JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh, kaasoo helay 51 kursi, halka kaalinta labaad uu ku jiro ururka NPU oo helay 14 kursi.

Waxaa la filayaa in doorashooyinka guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed ay natiijadoodu noqon doonto mid hore loo sii og yahay, maadaama cidda ku soo bixi karta ay muuqato, wax walbana ay u dhici doonaan sida ay ku qanacsan tahay Villa Somalia.

- Advertisement -

Read more

Local News