Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maalinkii saddexaad ee Ciidul Adxaa booqasho ugu tagay ciidamada Daraawiishta Jubaland ee ku sugan aagga deegaanka Jannaa Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa furimaha hore kulan la qaatay saraakiisha iyo ciidamada, isaga oo warbixin ka dhageystay xaaladda amni iyo howlgallada ay ciidamadu ka wadaan deegaannada Jubaland.
Axmed Madoobe ayaa ciidamada uga mahadceliyey heeganka joogtada ah ee ay ugu jiraan difaaca deegaannada Jubaland iyo dadaallada ay ku bixinayaan xoreynta goobaha ay weli ku sugan yihiin kooxda Al-Shabaab.
Waxa uu sidoo kale ku ammaanay ciidamada Daraawiishta doorka ay ka qaadanayaan sugidda amniga, isagoo sheegay in naf-hurnimada ay sameynayaan ay muhiim u tahay xasilloonida iyo badbaadada shacabka reer Jubaland.
Madaxweynaha Jubaland ayaa tilmaamay in dowladdu ay waddo qorsheyaal cusub oo la xiriira dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaasi oo la filayo inay dhawaan ka billowdaan deegaannada ay kooxdaasi kaga sugan tahay Jubaland.
Madoobe ayaa ciidamada ku dhiirrigeliyey inay sii laba jibbaaraan dadaalladooda, isla markaana ay u diyaar garoobaan howl-gallada qorsheysan ee lagu doonayo in lagu xoreeyo deegaannada harsan.
Sidoo kale wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay rajeynayaan in la helo nabad iyo xasillooni waarta, isagoo xusay in ciidamada Daraawiishta Jubaland ay laf-dhabar u yihiin dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xoreynta dalka.














