Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda caalamiga ah ee International Press Institute (IPI) ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda sii xumaaneysa ee xorriyadda saxaafadda Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay kordheen weerarrada, xarigga, handadaadaha iyo caburinta loo geysanayo saxafiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan bishii May 2026.
War-saxaafadeed ay hay’addu soo saartay ayaa lagu sheegay in saxafiyiinta iyo xarumaha warbaahinta ay wajahayaan cadaadis isa soo taraya, xilli dalka uu ku jiro marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah oo ay ka socdaan doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo doodaha la xiriira muddo xileedka dowladda iyo hannaanka dimuqraadiyadda.
IPI ayaa sheegtay in xaaladda hadda jirta ay khatar ku tahay xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta, iyadoo xustay in warbaahinta madaxa-bannaan ay door muhiim ah ka ciyaarto ilaalinta isla-xisaabtanka, wacyigelinta bulshada iyo dabagalka arrimaha siyaasadda iyo amniga dalka.
Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay inay, iyada iyo hay’adaha la shaqeeya, diiwaangeliyeen kiisas badan oo la xiriira weerarro iyo cadaadis lagu hayo wariyeyaasha Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan kuwa ka shaqeeya arrimaha deegaanka, isbeddelka cimilada iyo barakicinta dadka rayidka ah.
Sida lagu sheegay warbixinta, qaar kamid ah saxafiyiinta ayaa la kulmay handadaad iyo caga-jugleyn la xiriirta wararka ay tabinayaan, taas oo IPI ay ku tilmaantay arrin si weyn u dhaawaceysa xorriyadda warbaahinta iyo badqabka wariyeyaasha.
IPI ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay qaaddo tallaabooyin degdeg ah oo lagu ilaalinayo saxafiyiinta, isla markaana la xaqiijiyo in caddaalad la marsiiyo dadka ku lugta leh tacaddiyada iyo weerarrada ka dhanka ah warbaahinta.
Dhanka kale, hay’addu waxay beesha caalamka iyo saaxiibbada Soomaaliya ugu baaqday inay kordhiyaan dadaallada iyo cadaadiska lagu taageerayo xorriyadda saxaafadda, iyadoo ka digtay in weerarrada joogtada ah ee lagu hayo warbaahinta madaxa-bannaan ay wiiqi karaan kalsoonida shacabka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda dalka.

