27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 30, 2026

Afwerki oo weerar culus ku qaaday Trump xilli Mareykanku doonayo in uu la heshiiyo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa si adag u dhaliilay siyaasadda caalamiga ah ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, xilli Washington ay muujineyso inay dooneyso dib-u-hagaajin xiriir oo ay la sameyso Asmara.

Isaias oo Sabtidii khudbad ka jeediyay magaalada Asmara, munaasabadda 35-guurada maalinta xorriyadda Eritrea, ayaa sheegay in siyaasadda Trump ee “Make America Great Again” ay u baahan tahay “qiimeyn culus oo taxaddar leh.”

Wuxuu sidoo kale ka digay in si degdeg ah go’aan looga gaaro jihada ay qaadan karto siyaasadda Mareykanka ee dibadda.

“Arrintan weli waa mid aad u murugsan oo culus,” ayuu yiri Isaias, isagoo intaas ku daray in soo laabashada Trump ee Aqalka Cad lagu qiimeeyo dhinacyada dhaqaalaha, wax-soo-saarka warshadaha, awoodda teknoolojiyadda, awoodda milateri iyo saameynta Mareykanka ee caalamka.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya toddobaadyo kadib markii warbixinno caalami ah ay sheegeen in maamulka Trump uu ka fiirsanayo inuu qaado cunaqabateyn hore loogu soo rogay Eritrea, xilli Washington ay raadineyso saameyn dheeraad ah oo ku saabsan Badda Cas iyo Geeska Afrika.

Haddii tallaabadaas la qaado, waxay noqon kartaa isbeddel weyn oo ku yimaada xiriirka Mareykanka iyo Eritrea, kaas oo muddo dheer ahaa mid qabow.

Maamulka madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden ayaa 2021 cunaqabateyn saaray xisbiga talada haya ee Eritrea, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale, sababo la xiriira doorkii Eritrea ee dagaalkii gobolka Tigray ee Itoobiya.

Isaias khudbaddiisa kuma soo hadal qaadin wararka sheegaya in Washington ay ka fiirsaneyso qaadista cunaqabateynta, mana uusan si toos ah uga jawaabin farriimaha diblomaasiyadeed ee Mareykanka.

Hoos u dhaca Mareykanka

Taas beddelkeeda, wuxuu ku eedeeyay maamulladii kala dambeeyay ee Mareykanka inay horseedeen xasillooni-darro caalami ah, faragelin milateri, deyn faro badan iyo nidaam dhaqaale oo uu ku tilmaamay mid lagu xukumo dunida.

Isaias ayaa sheegay in deynta Mareykanka ay gaartay heer “walwal leh,” kadib sanado uu ku tilmaamay “kharash-bixin xad-dhaaf ah,” isagoo ku dooday inay hadda ku dhowdahay 40 tiriliyan oo dollar.

Wuxuu sheegay in Trump uu u muuqdo inuu garwaaqsaday “jihada iyo mustaqbalka hoos u dhaca Mareykanka,” balse wuxuu su’aal geliyay in canshuuraha, dib-u-soo-celinta warshadaha, dhimista canshuuraha, xakameynta macdanta dhifka ah iyo “hanjabaadda iyo cabsi-gelinta” ay wax ka beddeli karaan xaaladdaas.

“Xaggee, yaase lala kaashan karaa si ay siyaasadahani u guuleystaan?” ayuu Isaias weydiiyay.

Madaxweynaha Eritrea ayaa sidoo kale su’aal geliyay sheegashada Mareykanka ee ah inuu leeyahay awood milateri iyo mid teknoolojiyadeed oo ka sarreysa dalalka kale.

Wuxuu sheegay inaan awoodda lagu cabbiri karin oo kaliya “dhacdooyin lagu muujiyo cabsi-gelin, dilal bartilmaameed ah” ama lahaanshaha hubka nukliyeerka, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada casriga ah.

Isaias ayaa sheegay inaysan jirin “tilmaamo” caddeynaya in Mareykanka uu weli hoggaaminayo dhinacyada sida sirdoonka macmalka ah, isagoo ku dooday in Washington ay awooddeeda milateri marar badan u adeegsatay cabsi-gelin halkii ay ka noqon lahayd hoggaan sharci ah oo caalami ah.

Iran iyo marin-biyoodka Hormuz

Qeyb kale oo khudbaddiisa ka mid ah, Isaias ayaa si gaar ah uga hadlay Iran iyo Venezuela, isagoo su’aal geliyay saldhigga sharci iyo akhlaaqeed ee tallaabooyinka Mareykanka uu si gooni ah uga qaado dalalkaas.

“Maxaa Iran kaligeed looga mamnuucayaa?” ayuu yiri, isagoo ka hadlayay barnaamijka nukliyeerka ee Tehran. “Maxay tahay mudnaanta sharci ee Mareykanku u leeyahay inuu qaado tallaabo milateri oo keli ah?”

Isaias ayaa ka digay in xiisadda ka taagan marin-biyoodka Hormuz ay ka dhalatay “xisaab khaldan oo khatar ah,” wuxuuna sheegay in dunidu ay xoogga saarto sidii looga hortegi lahaa qalalaase ballaaran, halkii laga doodi lahaa oo kaliya suurtagalnimada in marin-biyoodkaas la xiro.

Hadalkiisa ayaa aad uga duwanaa farriin kasoo baxday Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio 24-kii May, taas oo uu ugu hambalyeeyay shacabka Eritrea munaasabadda maalinta xorriyadda.

Rubio ayaa sheegay in Mareykanka uu aqoonsan yahay “muhiimadda nabadda, amniga iyo horumarka dhaqaale ee Geeska Afrika,” wuxuuna intaas ku daray in Washington ay rajeyneyso “wada-hadal sii socda” oo ay Eritrea kala yeelato xasilloonida gobolka iyo danaha labada dhinac.

Warbixinnada ku saabsan suurta-galnimada isu-soo-dhawaanshaha Washington iyo Asmara ayaa si weyn diiradda u saaray xeebta dheer ee Eritrea ku leedahay Badda Cas, oo ku taalla meel istaraatiiji ah oo ka soo horjeedda Sacuudiga, kuna dhow marinno ganacsi oo muhiim u ah isku xirka Yurub, Bariga Dhexe iyo Aasiya.

Badda Cas ayaa yeelatay muhiimad istaraatiiji ah oo sii kordheysa tan iyo markii weerarro lala xiriiriyay dagaalka Gaza ay carqaladeeyeen maraakiibta ganacsiga, taas oo ku khasabtay qaar ka mid ah maraakiibta inay isticmaalaan waddo dheer oo ku wareegta koonfurta Afrika.

Khudbadda Isaias jawaab cad kama bixin in Eritrea ay diyaar u tahay inay ka falceliso furitaanka cusub ee Washington.

Wuxuu halkii ka sii waday dhaliishiisa muddada dheer ee ku wajahan nidaamka caalamiga ah, isagoo sheegay in nidaamka hadda jira uu ku dhisan yahay ka faa’iideysi iyo aragti ah in guusha dhinac ay khasaaraha dhinac kale ka dhalato.

“Ka guurista nidaamkii hore ee daalay ee caalamka hadda ma aha arrin ikhtiyaari ah,” ayuu yiri, isagoo ku baaqay nidaam cusub oo ku dhisan “caddaalad iyo sinnaan.”

Xaaladda Geeska Afrika

Isaias ayaa qeyb kooban oo khudbaddiisa ah ku eegay xaaladda Geeska Afrika, isagoo sheegay in xaaladaha Soomaaliya, Itoobiya, Sudan iyo South Sudan ay yihiin kuwo “aad u khatar badan” oo u baahan feejignaan degdeg ah.

Wuxuu dib u xusuustay dadaallo hore oo Eritrea ay ku dooneysay in IGAD laga beddelo urur ku kooban abaaraha iyo la-dagaallanka saxaraha, loona rogo hay’ad ballaaran oo ka shaqeysa horumarinta iyo iskaashiga gobolka.

Balse wuxuu sheegay in himilooyinkaas “aysan rumoobin.”

Isaias ayaa ku eedeeyay dhibaatooyinka gobolka dhismaha dowladnimo oo fashilmay, musuq-maasuq, qabqablayaal dagaal iyo faragelin shisheeye.

“Halkii la dhisi lahaa qarannimo ku saleysan muwaadinnimo, bulshooyinka waxaa lagu kala qeybiyay xariiqyo qowmiyadeed, qabiil iyo diimeed, taas oo hurineysa nacayb iyo dagaal sokeeye,” ayuu yiri.

Wuxuu ku tilmaamay faragelinta shisheeye iyo “u adeegidda danaha dibadda” dhibaatada ugu weyn ee gobolka, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo faragelinta iyo maalgelinta dibadda haddii la doonayo xasillooni ka dhalata Geeska Afrika.

Hadalkaas ayaa muujiyay in Isaias uu weli si adag uga soo horjeedo saameynta shisheeye, xitaa xilli Washington ay isku dayeyso inay dib u dhisto xiriirkii ay la lahayd Eritrea.

- Advertisement -

Read more

Local News