Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo dagaal culus oo saaka gudaha magaalada Baydhabo ku dhex-maray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, kuwaas oo magaalada soo weeraray.
Dagaalka oo socday ku dhawaad 30 daqiiqo ayaa ugu dambeyn lagu kala baxay, iyada oo la jabiyay ciidamadii weerarka soo qaaday oo dib uga laabtay magaalada, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.
Sidoo kae Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa goordhow soo bandhigay maydad, dhaawacyo iyo gaadiid ay sheegeen inay ka qabsadeen ciidamada dagaalka soo qaaday ee saaka weeraray Baydhabo.
Muuqaal la baahiyay ayaa sidoo kale muujinayo ciidamada Xoogga dalka oo kor saaran gaari uu ku xiran yahay qori suug ah oo laga qabsaday ciidamada daacadda u ah Laftagareen, isl muuqaal kale oo baahay ayaa muujinayo maydad dhulka daadsan iyo askar dhaawac ah oo iyana gacanta lagu hayo.
Dhanka kale, ma cadda khasaaraha guud ee ka dhashay dagaalkan, waxaana haatan xaaladda magaalada ay tahay mid deggan, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka.
Ciidanka weerarka soo qaaday oo kamid ah Daraawiishtii Koonfur Galbeed ayaa horay magaalada looga saaray kadib isbeddalkii ay dowladda ka saameysay halkaasi, waxaana tan iyo markaas guul darraystay dadaallo la sameeyay oo ku aadanaa in dib loogu soo celiyo Baydhabo, si ay usii wataan howlahooda shaqo ee dhanka amniga ah.
Si kastaba, ha’ahaatee dagaalkan ayaa kusoo aaday, iyada oo maanta lagu wado in la dhaariyo xildhibaannada cusub ee Koonfur Galbeed, kadibna waxaa ku xigi doono doorashada gudoonka Golaha Wakiilada iyo mida Madaxweynaha oo ay horay digniin uga soo saareen ciidamada maanta weerarka soo qaaday.

