28 C
Mogadishu
Sunday, May 31, 2026

Xubnaha cusub ee baarlamaanka Koonfur Galbeed oo si rasmi ah u shaqo bilaabaya

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa haatan si rasmi ah u shaqo bilaabaya kadib markii shalay lagu dhaariyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Xildhibaannada cusub ayaa si rasmi ah loogu dhaariyay inay gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday, waxaana munaasabadda goob-joog ka ahaa hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo kormeerayay habsami u socodka dhaarinta.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybgalay musharraxiinta u taagan xilka madaxtinnimada Koonfur Galbeed, xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, odayaal dhaqameedyo, wakiillo ka socday bulshada rayidka ah iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay.

Khudbad uu halkaas ka jeediyay, Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa wuxuu ugu baaqay xildhibaannada cusub inay si hufan oo daacadnimo leh u gutaan waajibaadkooda, isla markaana ay ka shaqeeyaan danaha shacabka iyo horumarinta dowladnimada Koonfur Galbeed.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Golaha Wakiilladu door muuqda ka qaato xoojinta amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska ee Koonfur Galbeed.

Jibriil ayaa sidoo kale bogaadiyay habsami u socodka geeddi-socodka dhaarinta, isagoo tilmaamay in tallaabadan ay muhiim u tahay dhismaha hay’adaha dowladeed iyo sii ambaqaadista hannaanka siyaasadeed ee maamulka.

Dhaarinta xubnaha cusub ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ku soo aadeysa xilli magaalada Baydhabo ay ka dhaceen iska-horimaadyo hubeysan oo u dhexeeyay ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Lafta-gareen ayaa weli ku adkeysanaya inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Koonfur Galbeed, isagoo dhawaan shaaciyay inay wadaan dadaallo ay ku doonayaan inay dib gacantooda ugu soo celiyaan maamulkaasi, taas oo sii xoojisay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed.

- Advertisement -

Read more

Local News