28.9 C
Mogadishu
Monday, June 1, 2026

Beesha caalamka oo bayaan culus ka soo saartay muranka doorashada Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, waxayna ugu baaqday madaxda Soomaalida inay si degdeg ah ugu laabtaan wadahadal, islamarkaana ay heshiis ka gaaraan hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.

War-saxaafadeed wadajir ah oo kasoo baxay xubno ka tirsan beesha caalamka, kuna taariikheysan 1-da June 2026, ayaa lagu sheegay in xaaladda hadda jirta ay u baahan tahay deganaan, wadahadal iyo in laga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta xiisad horleh.

“Saxiixayaasha bayaankan wadajirka ah waxay walaac ka qabaan xaaladda hadda ka jirta Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Waxaan dhammaan dhinacyada ugu baaqeynaa inay sida ugu dhaqsaha badan dib ugu billaabaan wadahadal, islamarkaana ay si degdeg ah heshiis uga gaaraan khariidad doorasho oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed,” ayuu sii raaciyey bayaanku.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegtay inay diyaar u tahay inay taageerto wadahadallo ay Soomaalidu hoggaamineyso, haddii taageeradaas laga codsado.

Bayaanka waxaa saxiixay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNTMIS, Midowga Yurub iyo safaarado dhowr ah oo reer Yurub ah, oo ay ka mid yihiin Britain, Germany, France, Italy, Norway, Sweden, Switzerland, Netherlands, Belgium, Austria, Finland, Ireland, Poland, Portugal iyo Spain.

Bayaanka si toos ah uma taageerin mowqifka dowladda federaalka ama kan mucaaradka, balse wuxuu xoogga saaray baahida loo qabo in dib loogu laabto wadahadal, lana ilaaliyo xasilloonida dalka.

“Xilligan xasaasiga ah, waxaan dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ugu baaqeynaa inay mudnaanta siiyaan danta qaranka, kana fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta inay xiisaddu sii kororto,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dowladda Mareykanka, oo aan ka mid ahayn saxiixayaasha bayaanka wadajirka ah, ayaa iyaduna soo saartay farriin gaar ah oo ay ugu baaqday dhinacyada Soomaalida inay muujiyaan is-xakameyn.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa qoraal ay ku baahisay barteeda X ku sheegtay in Mareykanku ku boorrinayo “dhammaan daneeyayaasha inay muujiyaan is-xakameyn” ayna ka fogaadaan tallaabooyin sii hurin kara rabshado ama xasillooni-darro.

“Waxaan dhammaan dhinacyada ku dhiirrigelineynaa inay u go’aan wadahadal iyo iskaashi lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida guud ahaan Soomaaliya,” ayay safaaraddu sheegtay.

Baaqyada beesha caalamka iyo Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay khilaafka ku saabsan doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo muddada xilka hay’adaha federaalka.

Khilaafka ayaa sii xoogaystay kadib markii wadahadallo u dhexeeyey dowladda federaalka iyo xubnaha mucaaradka ay kusoo dhammaadeen natiijo la’aan 15-kii May. Wadahadalladaas ayaa diiradda lagu saarayey hannaanka doorashada, muranka dastuurka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee hay’adaha federaalka.

Mucaaradka ayaa ku doodaya in muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku ekaa 15-kii May, islamarkaana aan lagu sii shaqeyn karin hannaan aan lagu wada heshiin. Xubno ka tirsan mucaaradka ayaa sidoo kale ku baaqay bannaanbaxyo ay sheegeen inay ka dhici doonaan Muqdisho iyo qeybo kale oo dalka ah.

Dowladda federaalka ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in dalka loo wado doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ku tilmaantay isbeddel muhiim ah oo Soomaaliya ka saaraya hannaan doorasho dadban oo muddo dheer ku dhisnaa awood-qeybsi iyo xulasho beeleed.

Soomaaliya ayaa markii ugu dambeysay doorasho guud oo toos ah qabatay sanadkii 1969-kii, ka hor afgambigii militariga ee Maxamed Siyaad Barre. Tan iyo burburkii dowladdii dhexe, doorashooyinka heer federaal ayaa inta badan ku dhacay hannaan dadban, waxaana madaxweynaha dooran jiray baarlamaanka.

Hase yeeshee, qorshaha dowladda ee doorasho qof iyo cod ah ayaa wajahaya mucaaradad xooggan, iyadoo kooxaha mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada ay ku doodayaan in hannaan kasta oo doorasho lagu geli karo uu u baahan yahay heshiis siyaasadeed oo ballaaran.

Xiisadda siyaasadeed ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay xiriirka dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka, awoodaha hay’adaha federaalka iyo kaalinta guddiga doorashooyinka qaranka.

Digniinta cusub ee beesha caalamka ayaa muujineysa cabsi laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu u gudbo marxalad ka adag midda hadda taagan, gaar ahaan iyadoo Soomaaliya ay weli wajahayo weerarro ka imanaya Al-Shabaab, xaalad amni oo jilicsan iyo baahiyo bini’aadantinimo oo soo noqnoqda.

Waxaa sidoo kale weli xusuusta ku jirta xiisaddii siyaasadeed ee sanadkii 2021, markii muran ka dhashay muddo-kordhin uu sababay isku dhacyo hubeysan oo ka dhacay Muqdisho, ka hor inta aysan dhinacyadii siyaasadeed dib ugu laaban wadahadal.

Beesha caalamka ayaa hadda u muuqata inay doonayso in laga hortago in xaaladda siyaasadeed ee maanta taagan ay gaarto heerkaas oo kale.

- Advertisement -

Read more

Local News