Hargeysa (Caasimada Online) — Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa shalay Hargeysa ku qaabilay ku-simaha safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Justin Davis, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.
War-saxaafadeed ayaa lagu sheegay in kulanka uu diiradda saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada amniga gobolka, amniga marin-biyoodka Badda Cas, xog-isdhaafsiga, maalgashiga, ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, macdanta, tamarta iyo arrimaha dimuqraadiyadda.
Madaxtooyada ayaa sheegtay in Madaxweyne Cirro uu wafdiga Mareykanka uga mahadceliyey wax ay ugu yeertay “xiisaha sii kordhaya” ee Washington ay u muujinayso Somaliland, isaga oo sidoo kale soo hadal qaaday hindiseyaal sharci iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ka socda goleyaasha sharci-dejinta Mareykanka, kuwaas oo la xiriira Somaliland.
Sida lagu sheegay qoraalka Madaxtooyada, Cirro ayaa Davis u sheegay in Somaliland ay tahay “nabad, dimuqraadi ah, xasilloon” isla markaana ay noqon karto dhinac Mareykanku ku tiirsanaan karo.
Dhanka kale, Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in Justin Davis uu bogaadiyey nabadda, xasilloonida iyo hannaanka dimuqraadiga ah ee ka jira Somaliland, isla markaana uu muujiyey diyaar u ahaanshaha Mareykanka ee xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, difaaca, amniga badda, maalgashiga, ganacsiga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.
Qoraalka Madaxtooyada ayaa intaas ku daray in Davis uu sheegay in aan la iska indho-tiri karin “xaqiiqada dhabta ah, horumarka iyo doorka istaraatiijiga ah” ee Somaliland ku leedahay gobolka Geeska Afrika.
Kulankan ayaa imanaya maalmo kadib markii warbixin loo gudbiyey Congress-ka Mareykanka ay tilmaantay in Washington ay eegayso fursado lagu ballaarin karo xiriirka ay la leedahay Somaliland, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, dekedaha, macdanta iyo marin-biyoodka Badda Cas.
Warbixintaas ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay Somaliland ula macaamisho sidii maamul ka tirsan Soomaaliya, iyadoo Washington ay caddeysay inay aqoonsan tahay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991, balse weli ma helin aqoonsi caalami ah oo ballaaran. Hargeysa waxay muddo dheer ku doodaysaa in xasilloonida, doorashooyinka iyo goobta istaraatiijiga ah ee Berbera ay ka dhigayaan dhinac muhiim u ah dalalka daneeya amniga Badda Cas iyo tartanka saameynta ee Geeska Afrika.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda si joogto ah uga soo horjeedda tallaabo kasta oo ay u aragto inay wiiqayso madax-bannaanida iyo midnimada dalka, waxayna ku adkeysataa in xiriir kasta oo rasmi ah oo lala yeelanayo Somaliland uu maro Muqdisho.
Xiriirka Mareykanka iyo Somaliland ayaa sanadihii u dambeeyey noqday mid si dhow isha loogu hayo, gaar ahaan kadib markii dhowr xildhibaan oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ay soo jeediyeen hindiseyaal lagu kordhinayo xiriirka Washington iyo Hargeysa.
Si kastaba, kulanka Cirro iyo Davis ayaa muujinaya in Mareykanku sii wado la macaamilka Somaliland ee ku saleysan danaha amni iyo dhaqaale, iyadoo aan weli jirin tallaabo rasmi ah oo Washington uga leexatay mowqifkeeda ku saabsan midnimada Soomaaliya.


