25.8 C
Mogadishu
Tuesday, June 9, 2026

Cumar Cartan oo laga soo celiyay Mareykanka xilli uu ku safrayay baasaboorka Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Garsoore Cumar Cartan ayaa loo diiday inuu galo dalka Mareykanka, halkaas oo uu uga qayb-galayay dhex-dhexaadinta ciyaaraha koobka adduunka (World Cup).

Cumar Cartan ayaa la sheegay in laga soo celiyay magaalada Miami ee gobolka Florida, kadib markii lagu wargeliyay in uusan geli karin dalka Mareykanka, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Intaa kadib, waxaa Garsooraha dib loogu celiyay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Garsoorahan ayaa watay baasaboor Soomaali ah oo nooca diblomaasiga ah, waxaana magaalada Nairobi ee dalka Kenya si rasmi ah uga sagootiyay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ka hor safarkiisa.

Cumar Cartan ayaa sameyn lahaa taariikh cusub haddii uu si rasmi ah uga mid noqdo garsoorayaasha ka howl-galaya Koobka Adduunka.

Arrintan ayaa sidoo kale loo arkayay mid astaan u noqon karta horumarka garsoorka Soomaaliyeed ee ka qayb-galka tartamada heerka caalami, hase yeeshe waxaa muuqata inay soo afmeertay qawaaniinta adag ee safarka ee dowladda Mareykanka.

Dhacdadan ayaa tusaale cad u ah qiimaha iyo halka qofka Soomaaliga ah ee sita baasaboorka Soomaaliya ah uu ka joogo caalamka iyo sida loogu arko in uu yahay qof qiimo, dawlad iyo damaanad midna aan lahayn.

Si kastaba, arrintan ayaa si weyn looga fal-celiyay baraha bulshada, iyadoo dad badan ay ka muujiyeen walaac iyo niyad-jab. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin arrinta qabsatay Garsoore Cartan, oo horey uu u maamuusay Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

- Advertisement -

Read more

Local News