25.7 C
Mogadishu
Friday, June 12, 2026

Israel oo la sheegay in ay ku dhex milantay DF Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Zakaria Maxamuud Xaaji ayaa sheegay in Israa’iil ay “si qoto dheer” u dhexgashay hay’adaha iyo go’aannada siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoo mas’uuliyadda koowaad dusha ka saaray Soomaalida laftooda iyo hoggaanka siyaasadeed ee dalka.

Zakaria, oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska Egypt Independent, ayaa sheegay in kala qeybsanaanta gudaha, nidaamka siyaasadeed ee jilicsan iyo maqnaanshaha barnaamij qaran ay Soomaaliya ka dhigeen dal u nugul faragelin shisheeye.

“Israa’iil waxay si qoto dheer u dhexgashay hay’adaha Soomaaliya, waxayna saameyn ku yeelatay go’aanka siyaasadeed ee Soomaalida,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in arrintaas aysan ku imaan awood shisheeye oo keliya, balse ay sahleen khilaafaadka Soomaalida, tabar-darrida hay’adaha dowladda iyo hoggaan uu ku tilmaamay mid aan dalka u horseedin heshiis siyaasadeed oo qaran.

“Mas’uuliyadda koowaad waxay saaran tahay Soomaalida laftooda, taas ayaana sahashay kala dhantaalidda,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu noqday mid ka mid ah arrimaha ugu xasaasisan siyaasadda Soomaaliya iyo Geeska Afrika. Israa’iil ayaa 26-kii December 2025 si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland, taas oo ka dhigtay dalkii ugu horreeyay ee sidaas sameeya tan iyo markii Somaliland ay sheegatay inay ka go’day Soomaaliya 1991-kii.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tallaabadaas ku tilmaantay weerar ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka. Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku adkeystay inuusan aqoonsaneyn Somaliland, isagoo sheegay in midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay yihiin mabda’ aan laga leexan karin.

Aqoonsiga Israa’iil ayaa sidoo kale cambaareyn xooggan kala kulmay dalal Carab, Muslim iyo Afrikaan ah, kuwaas oo ka digay in tallaabadaas ay sii hurin karto xiisadaha Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Zakaria ayaa sheegay in arrinta Somaliland ay muujineyso sida Soomaaliya ugu baahan tahay dib-u-habeyn siyaasadeed oo qoto dheer, midnimo qaran iyo dowlad dhexe oo awood u leh inay ilaaliso dhulkeeda, baddeeda iyo go’aankeeda siyaasadeed.

Wuxuu si adag u dhaliilay nidaamka federaalka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay mid “si musiibo ah u fashilmay.” Sida uu sheegay, Soomaalidu waa dad mideysan dhaqan ahaan, diin ahaan iyo luqad ahaan, balse dhibaatadu waxay ka dhalatay hoggaan xumo iyo nidaam siyaasadeed oo aan lagu dhisin heshiis qaran oo dhab ah.

“Nidaamka federaalka si musiibo ah ayuu u fashilmay,” ayuu yiri. “Shacabka Soomaaliyeed waa mideysan yahay dhaqan ahaan, diin ahaan iyo luqad ahaan. Dhibaatadu kuma jirto shacabka, waxay ku jirtaa kuwa hadda talada haya.”

Zakaria ayaa sheegay in Soomaaliya muddo 36 sano ah aysan yeelan dowlad hay’adeed oo dhab ah, balse weli ay jiraan waxyaabo xooggan oo isku haya dadka Soomaaliyeed. Wuxuu ku baaqay in la sameeyo midnimo qaran oo degdeg ah, doorashooyin caddaalad ah iyo isbeddel siyaasadeed oo ka baxsan hoggaanka hadda jira.

“Shacabka Soomaaliyeed iyo xoogagga siyaasadeed ee qaranka waa inay qaataan mas’uuliyadda, iyagoo sameynaya midnimo qaran oo degdeg ah, doorashooyin caddaalad ah, kana gudbaya hoggaanka siyaasadeed ee hadda jira,” ayuu yiri.

Wuxuu ugu baaqay dalalka Carabta inay si firfircoon uga qeyb qaataan xallinta dhibaatada Soomaaliya, isagoo sheegay in maqnaanshahooda uu fursad siinayo dalal kale oo dano istiraatiiji ah ka leh Badda Cas iyo Geeska Afrika.

Zakaria ayaa ka digay in haddii Soomaaliya aysan si degdeg ah u xoojin midnimadeeda gudaha, aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland iyo xiriirrada ku xiga ay sii kordhin karaan khatarta kala go’a dalka iyo saameynta shisheeye ee siyaasadda Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News