Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo markii ugu horeysay ka hadashay caqabadihii uu la kulmay garsoore Cumar Cartan, oo qorshuhu ahaa inuu ka qeyb-galo garsoorka ciyaaraha koobka adduunka ayaa sheegtay inay fashilmeen dadaallo xal loogu raadinayay arrintan.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay si weyn uga xun tahay duruufihii sababay in garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cartan uu ka baaqdo ka qeyb-galka tartanka kubadda cagta ee caalamiga ah ee hadda ka socda dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico.
Wasaaradda ayaa sheegtay in dadaallo ay sameysay wasaaradda oo kaashaneysa wasaaradda arrimaha dibadda iyo madaxtooyadda ay suurta-gelin in xal laga gaaro arrinta Garsooraha.
“Nasiib darro, inkastoo dadaalladaas xooggan la sameeyay, ma suuragelin in xal laga gaaro. Garsoore Cumar Cartan wuxuu tusaale muuqda u yahay kartida, adkeysiga, iyo dadaalka dhallinyarada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Wasaaradda ayaa xaqiijisay taageeradeeda buuxda ee Garsoore Cumar Cartan, waxayna sii wadi doontaa taageerada horumarintiisa xirfadeed iyo ka qeyb-galka fursadaha caalamiga ah ee mustaqbalka.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay duruufihii sababay in garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cartan, uu ka baaqdo ka qeybgalka tartanka kubadda cagta ee caalamiga ah ee hadda ka socda Dalalka Mareykanka, Canada, iyo Mexico.
Kadib markii la ogaaday in Garsoore Cumar Cartan uu la kulmay caqabado la xiriira
ogolaanshaha gelida dalka Mareykanka (Entry Denied), Wasaaraddu iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay sameysay dadaallo diblomaasiyadeed iyo wada-xaajood ballaaran oo lala yeeshay Dowladda Mareykanka iyo hay’adda FIFA si xal degdeg ah loogu helo arrintan.
Nasiib darro, inkastoo dadaalladaas xooggan la sameeyay, ma suuragelin in xal laga gaaro. Garsoore Cumar Cartan wuxuu tusaale muuqda u yahay kartida, adkeysiga, iyo dadaalka dhallinyarada Soomaaliyeed.
Guulihiisa caalamiga ahaa waxay sharaf iyo sumcad u yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxayna caddeynaysaa in caqabadaha iyo duruufaha adag ee dalka ka jira aysan hor istaagin in dhalinyarada Soomaaliyeed ay gaaraan heerar sare oo caalami ah.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska waxay mar kale xaqiijineysaa taageeradeeda buuxda ee Garsoore Cumar Cartan, waxayna sii wadi doontaa taageerada horumarintiisa xirfadeed iyo ka qeybgalka fursadaha caalamiga ah ee mustaqbalka.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay u mahadcelineysaa shacabka Soomaaliyeed, bahda ciyaaraha iyo dhammaan dadka muujiyay garab istaagga, dhiirrigelinta iyo taageerada ay u muujiyeen Garsoore Cumar Cartan.

