Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si weyn uga xun tahay go’aanka ay dowladda Mareykanku ugu diidday gelitaanka garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan.
Wasaaradda ayaa sheegtay in dadaallo diblomaasiyadeed la yeelatay hay’adaha ay khusayso si loo fududeeyo safarka Garsoore Cumar, balse nasiib darro dadaalladaasi ma aysan dhalin natiijadii la rajeynayay.
“Garsoore Cumar Cartan, oo loo aqoonsaday Garsooraha sanadka ee xiriirka kubadda cagta Afrika (CAF) ee 2025, waa shakhsiga ugu guulaha badan dhinaca ciyaaraha ee Soomaaliya, isla markaana astaan qaran oo ay ku faanaan shacabka Soomaaliyeed. Guulihiisa iyo waxqabadkiisa ayaa sare u qaaday magaca Soomaaliya, isaga oo dhiirrigelin u noqday kumannaan dhallinyaro Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda.
Sidoo kale waxay sheegtay in dowladda si buuxda ugu faanto guulaha iyo waxqabadka Cumar Cartan, iyadpo guushiisu ay mar kale caddeyneyso in kartida, dadaalka iyo adkaysigu ay horseedi karaan heerar oo guulo caalami ah.
“Garsoore Cumar wuxuu si nabad ah ugu soo laabtay dalkiisa, wuxuuna sii wadi doonaa gudashada waajibaadkiisa qaran iyo kuwa caalami ah isaga oo leh isla hufnaanta, daacadnimada iyo xirfadda sare ee lagu yaqaanay muddadii uu ku jiray garsoorka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Wasaaradda ayaa sheegtay inay dowladdu sii wadi doonto wada xaajoodyada iyo xiriirka ay la leedahay dhinacyada ay khusayso si loo helo faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan arrintan, loona ilaaliyo karaamada, xuquuqda iyo danaha muwaadiniinteeda.
Garsoore Cartan ayaa maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay, kadib markii laga soo celiyay dalka Mareykanka oo uu uga qayb-geli lahaa ciyaaraha koobka adduunka.
Cumar ayaa waxaa garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, wakiilo ka socday xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, garsoorayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Soo laabashada Cartan ayaa timid kadib markii loo diiday inuu galo dalka Mareykanka, iyadoo Cartan lagu waday in uu noqdo qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo garsoore ka noqda final-ka loobka adduunka ayaa Isniintii laga saaray liiska, kaddib markii laga diiday inuu gudaha u galo garoonka diyaaradaha ee magaalada Miami.
Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo ku jira liiska mamnuucista socdaalka ee uu soo saaray maamulka madaxweyne Donald Trump, taas oo saameyn ku yeelatay socdaalka Garsoore Cartan.


