26.2 C
Mogadishu
Thursday, June 11, 2026

Muqdisho: Haweeney uu gubay ninkeeda oo geeriyootay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiyo Cali oo ahayd hooyo dhashay 11 carruur ah ayaa maanta ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho, kadib dhaawacyo culus oo ka soo gaaray dab la sheegay in ninkeeda uu ku gubay habeenkii Arbacada.

Marxuumadda ayaa la sheegay in lagu gubay gurigeeda oo ku yaalla xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa, iyadoo falkaas uu geystay ninkeeda oo lagu magacaabo Sayid Cumar, sida ay sheegeen ehelada qoyska.

Ehelada Safiyo Cali ayaa u sheegay warbaahinta in marxuumaddu saacadihii la soo dhaafay la tacaalaysay dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray gubashada, hase yeeshee ay ugu dambeyn maanta u geeriyootay dhaawacyadaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Safiyo Cali iyo Sayid Cumar ay maalmihii la soo dhaafay ka dhex taagnayd muran iyo khilaaf qoys, ka hor inta uusan dhicin falka sababay geerida Safiyo.

Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyey in eedeysanaha lagu magacaabo Sayid Cumar uu ka baxsaday magaalada Muqdisho kadib markii uu geystay falkaas, iyadoo aan weli la ogeyn halka uu ku sugan yahay.

Ehelada marxuumadda ayaa sheegay inay aad uga naxeen dhacdadan, isla markaana ay doonayaan in caddaaladda la horkeeno ninka lagu eedeeyay dilka Safiyo Cali, si loogu qaado tallaabo sharci ah.

Si kastaba, qoyska marxuumadda ayaa sheegay inay aasi doonaan gabadhooda, iyagoo si cad u diiday inay qaataan wax mag ama diyo ah, waxayna ku adkaysteen in waxa kaliya ee ay doonayaan ay tahay in sharciga la marsiiyo eedeysanaha loo haysto falkan naxdinta leh.

- Advertisement -

Read more

Local News