26 C
Mogadishu
Thursday, June 11, 2026

Maamulka gobolka Banaadir oo go’aamiyay in waddooyinka Muqdisho…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray go’aan cusub oo lagu mamnuucayo in lo’da lagu sii daayo waddooyinka magaalada Muqdisho, si wax looga qabto dhibaatooyinka la xiriira nadaafadda iyo bilicda caasimadda.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) ayaa warbaahinta la wadaagay go’aan kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), kaas oo mamnuucaya lo’da lagu daayo waddooyinka magaalada.

Go’aankan ayaa la sheegay inuu yimid kadib wada-tashi uu guddoomiyuhu la yeeshay qoysaska lo’da ku dhaqda gudaha Muqdisho iyo sidoo kale cabashooyin muddo dheer ka jiray caasimadda oo la xiriiray saameynta ay lo’du ku leedahay isu socodka iyo nadaafadda magaalada.

Maamulka gobolka ayaa sheegay in lo’da lagu sii daayo waddooyinka ay sababto wasakh iyo nadaafad-darro ka dhalata saxarada xoolaha, taas oo saameyn ku yeelata caafimaadka bulshada iyo deegaanka, isla markaana dhaawacda muuqaalka guud ee caasimadda.

Sidoo kale, maamulka ayaa xusay in lo’du ay carqalad ku noqoto isu socodka gaadiidka, iyadoo mararka qaar sababta shilal, ciriiri iyo khataro saameeya badqabka dadka iyo gaadiidka isticmaala waddooyinka caasimadda.

Dhanka kale, maamulka ayaa tilmaamay in lo’da lagu daayo goobaha dadweynaha ay caqabad ku tahay dadaallada lagu dhiraynayo laguna qurxinayo magaalada Muqdisho, maadaama ay baabi’iso geedaha iyo dhirta lagu beero waddooyinka iyo goobaha cagaaran.

Waxaa sidoo kale la sheegay inay jirto khatar caafimaad oo ka dhalan karta caanaha iyo hilibka xoolaha quuta wasakhda iyo qashinka lagu tuuro goobaha furan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa amray in si buuxda loo mamnuuco lo’da lagu sii daayo waddooyinka Muqdisho, iyadoo dadka dhaqda lo’da la siiyey muddo laba toddobaad ah oo ka bilaabanaysa 16-ka Juun 2026 kuna eg 27-ka Juun 2026, si ay u xareeyaan xoolahooda.

Maamulka ayaa sheegay in tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu arko lo’ ay waddooyinka ku sii daysay marka ay dhammaato muddada loo qabtay, isagoo ugu dambayn uga mahadceliyey shacabka iyo qoysaska dhaqda lo’da wada-shaqaynta ay muujiyeen.

- Advertisement -

Read more

Local News