Tel Aviv (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Israel ayaa Turkey ku tilmaamay “cadowga qaranka”, xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhexeysa Ankara iyo Tel Aviv, oo horey ugu kala fogaa dagaalka Gaza, weerarrada Israel ee Lubnaan iyo Suuriya, iyo loollanka saameynta gobolka.
Ariel Kellner, oo ka tirsan xisbiga Likud ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu, ayaa wareysi uu siiyay idaacadda Galei Israel ku sheegay in Turkey ay tahay “dal cadow ah si kasta oo loo eego.”
Kellner ayaa sidoo kale weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan, isaga oo ku tilmaamay “kaligii taliye doonaya inuu soo celiyo khilaafadii Islaamka.”
“Waa qof aad khatar u ah oo Israel si qoto dheer u neceb,” ayuu yiri Kellner, isaga oo intaas ku daray in Israel iyo dalalka reer Galbeedka ay tahay inay Erdogan u arkaan “khatar”.
Hadalka Kellner ayaa yimid kadib markii Erdogan uu sheegay in weerarrada Israel ee Suuriya iyo Lubnaan ay gaareen heer ay khatar ku yihiin amniga Turkey, isla markaana waxa uu ugu yeeray “gardarrada Israel” ay halis ku tahay amniga gobolka iyo kan caalamka.
“Israel waa in la joojiyaa, tani waa waajib saaran bani’aadannimada,” ayuu yiri Erdogan.
Netanyahu ayaa si kulul uga jawaabay hadalkaas, isaga oo Erdogan ku tilmaamay “kaligii taliye Yuhuud naceyb qaba.” Hase yeeshee, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo wax laga weydiiyay hadalka Erdogan, ayaa sheegay inuu yahay “saaxiib wanaagsan” oo ay si wanaagsan u wada shaqeeyeen.
“Waa saaxiib aad u wanaagsan oo aan leeyahay, si fiicanna waan u wada shaqeynay. Aad ayaan u jeclahay,” ayuu yiri Trump.
Turkey ayaa noqotay mid ka mid ah dalalka ugu codka dheer ee dhaliila Israel, gaar ahaan dagaalka Gaza, weerarrada Iran, Lubnaan iyo tallaabooyinka ay Israel ka waddo Suuriya. Ankara ayaa Israel ku eedeysay inay hurineyso colaado gobolka ka jira, isla markaana ay caqabad ku tahay nabadda Bariga Dhexe.
Xiriirka Turkey iyo Israel ayaa si weyn hoos ugu dhacay bishii May 2024, markii Ankara ay ku dhawaaqday inay joojisay ganacsigii ay la lahayd Israel. Turkey ayaa sidoo kale ku biirtay dacwadda Koonfur Afrika ay ka gudbisay Israel ee taalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, taas oo la xiriirta dagaalka Gaza.
Si kastaba, inkastoo xiriirka ganacsi ee tooska ah la jaray, warbixinno ayaa sheegaya in badeecooyin Turkish ah ay weli Israel ku gaaraan dalal saddexaad, halka saliidda Azerbaijan ee marta dhuumaha Baku-Tbilisi-Ceyhan ay weli gaarto Israel iyadoo ka soo baxda dekedo Turkish ah.
Xiisadda labada dal ayaa todobaadyadii u dambeeyay yeelatay wajiyo cusub, kadib markii saraakiil Israel ka tirsan ay si furan u bilaabeen inay Turkey ku tilmaamaan cadow mustaqbalka halis gelin kara Israel.
Dabayaaqadii bishii May, wasiirka dhaqanka iyo ciyaaraha Israel, Miki Zohar, ayaa isna sheegay in Turkey loo baahan yahay in loola dhaqmo sidii “dal cadow ah”, isaga oo ka digay in Ankara ay noqon karto mid ka mid ah khataraha ugu waaweyn ee Israel wajahdo.
“Waa inaan bilownaa inaan Turkey ula dhaqanno sidii dal cadow ah,” ayuu yiri Zohar.
Wasiirka ayaa intaas ku daray: “Haddii Turkey ay doorato waddada dagaalka ee naga dhanka ah, shaki kuma jiro inay bixin doonto qiimo aad u culus. Israel way taqaan sida ay isu difaacdo iyo sida ay u dhaawacdo kuwa waxyeelleeya.”
Hadalladan kulul ayaa muujinaya in xiriirka Turkey iyo Israel uu galay marxalad aad uga fog khilaaf diblomaasiyadeed oo caadi ah. Labada dhinac ayaa hadda si furan isugu adeegsanaya erayo dagaal iyo hanjabaad, xilli dagaalka Gaza iyo loollanka saameynta Suuriya ay sii kala fogeynayaan Ankara iyo Tel Aviv.
Turkey, oo xubin ka ah NATO, ayaa muddooyinkii dambe isku dayeysay inay kordhiso saameynteeda Suuriya kadib isbeddelladii siyaasadeed ee dalkaas ka dhacay, halka Israel ay sii waddo weerarro ay sheegto inay ku beegsaneyso khataro amni oo ka iman kara Suuriya iyo Lubnaan.
Falanqeeyayaasha gobolka ayaa sheegaya in khilaafka labada dal uu ka tarjumayo isbeddel ballaaran oo ka socda Bariga Dhexe, halkaas oo dagaalka Gaza uu dib u qaabeeyay xiriirrada siyaasadeed, isla markaana uu sare u qaaday tartanka awoodda ee u dhexeeya Turkey, Israel iyo dalalka kale ee gobolka.
Inkasta oo aanay weli muuqan calaamado muujinaya in khilaafka labada dal uu isu beddelayo iska horimaad militari oo toos ah, haddana hadallada ka soo yeeraya madaxda iyo siyaasiyiinta labada dhinac ayaa muujinaya in xiriirka Ankara iyo Tel Aviv uu gaaray heerkii ugu xumaa sanadihii u dambeeyay.

