Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeysanaya sii socoshada hanaanka doorasho qof iyo cod, xilli mucaaradka diidan yahay hanaankan doorasho.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in aan la aqbali karin in Soomaaliya ay weli kasii maqnaato doorasho dadweyne, isagoo xusay in muddo 58 sano ah ay ka soo wareegtay doorashadii ugu dambeysay ee noocaas ah ee dalka ka dhacda. Waxa uu tilmaamay in maanta la hayo fursado badan oo lagu xaqiijin karo himiladaas.
“58 sano kahor ayaa noogu dambaysay doorasho. Wax way naga qaldan yihiin waxna way inoo saxan yihiin, waxaa loo baahan yahay in aan qabano doorashada si wixii qaldamay berri loo saxo, waxaan u baahanahay labo xisbi oo wayn oo dalka ku tartama,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in haddii ay caqabado iyo khaladaad ka jiraan howlaha socda la sixi karo inta geeddi-socodku socdo, balse aan looga joogsan doonin in Soomaaliya ka hana qaado doorasho dadweyne.
Xasab Sheekh ayaa sheegay in nidaamka xisbiyada dalka uu mari doono hannaan lagu kala saarayo axsaabta siyaasadeed, isagoo tilmaamay in xisbiyada tirada badan ee hadda jira laga soo saari doono saddex xisbi qaran oo waaweyn.
Waxa uu sidoo kale sheegay in xisbiyada kale ee aan ku soo bixi karin heerkaas ay heli doonaan fursad ay ku midoobaan ama ay awooddooda isu geeyaan, si ay door muuqda uga qaataan tartanka siyaasadeed iyo maamulka dalka.
Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa meesha ka saaray eedeymaha sheegaya in dowladda federaalka ay damacsan tahay inay sii haysato awoodda ama ay dib u dhigto isbeddelka siyaasadeed, isagoo sheegay in ujeeddada dowladda ay tahay hirgelinta doorasho dadweyne oo beddesha nidaamka doorashooyinka dadban.
“Dalkaan in doorasho ay ka dhacdo ayaan rabnaa. Tikteetar iyo boqortooyo ma rabno, xalna ma aha,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa uu intaas kusii daray: “Shaatiga dowladnimada wuu tolan yahay, ee waa inuu gashto qofka uu u galo. Yaa gashan kara oo ku jaan-go’an ayaa ah su’aasha.”

