27.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 16, 2026

Guuldarro iyo bahdil taariikhi ah – Israa’iil oo raadineysa jawaab kadib go’aankii Trump

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tel Aviv (Caasimada Online) — Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu wuxuu muddo dheer ku taamayay dagaal uu aaminsanaa inuu dhaxal siyaasadeed uga tagi karo Israel: dagaal ay Israel iyo Mareykanka si wadajir ah ugu qaadaan Iran.

Laakiin dagaalkaas uu rajeynayay inuu ku xoojiyo sumcaddiisa siyaasadeed ayaa hadda u muuqda mid ku dhammaan kara qaab dhaawici kara dhaxalkiisa.

Qaab-dhismeedka heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Iran, oo lagu dhawaaqay Axaddii, ayaa ka tagaya qaar ka mid ah arrimihii ugu muhiimsanaa ee Israel ay dooneysay.

Qoraalka buuxa ee heshiiska weli lama shaacin, Israel-na si toos ah ugama qeyb gelin wada-hadallada lagu gaaray. Hase yeeshee faahfaahinta hordhaca ah waxay muujineysaa in heshiisku uusan waxba ka qabaneyn hubka gantaallada ballistic-ga ee Iran, ama maalgelinta ay siiso kooxaha gobolka ee xulafada la ah, sida Xizbullah oo ka dagaalanta Lubnaan iyo Xuutiyiinta Yemen, kuwaas oo labaduba Israel ku weeraray hubkooda.

Heshiiska ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu Iran u sahlo inay sii xoojiso kooxahaas, haddii cunaqabateynta laga khafiifiyo, taas oo Tehran u oggolaan karta in balaayiin dollar ay ku soo dhacaan akoonnadeeda bankiyada.

Arrimaha ku saabsan xakameynta barnaamijka nukliyeerka Iran — oo ah qodobka ugu weyn ee Israel muhiimadda siiso, sidoo kalena ah mudnaanta ugu weyn ee siyaasadda Netanyahu intii uu hoggaanka hayay — weli si buuxda looma shaacin. Qodobadaas qaarkood weli waa in lagu faahfaahiyaa ama lagu heshiiyo inta lagu jiro xabbad-joojin 60 maalmood ah oo loogu talagalay in wada-hadallo dheeraad ah lagu sii wado.

Su’aalo waaweyn ayaa weli ka taagan waxa laga yeeli doono keydka uranium-ka Iran ee ku dhow heerka lagu sameyn karo hub nukliyeer ah, iyo haddii Tehran loo oggolaan doono inay sii waddo kobcinta shidaalka nukliyeerka.

Arrinta xaaladda uga sii dartay Netanyahu ayaa ah in doorashooyin ay kusoo wajahan yihiin bilo gudahood, halka ra’yi-ururintuna ay muujineyso inuu gadaal uga dhacay siyaasadda gudaha. Waxaa intaas dheer in Madaxweyne Donald Trump, oo ahaa hantida siyaasadeed ee ugu qiimaha badan ee Netanyahu ku tiirsanaa, uu toddobaadyadii u dambeeyay dhowr jeer si cad u canaantay hoggaamiyaha Israel.

Trump ayaa ammaanay hoggaamiyaha cusub ee ugu sarreeya Iran, Mojtaba Khamenei, isaga oo ku tilmaamay nin waaqici ah. Laakiin isla waqtigaas, wuxuu Netanyahu ku sheegay mid “waalan,” mid aan mahadnaq lahayn, iyo hoggaamiye go’aan-qaadashadiisu liidato.

Axaddii, Trump wuxuu liiska eedeymahaas ku daray inuu Netanyahu yahay nin “qalafsan,” kadib markii militariga Israel — xilli Mareykanku isku dayayay inuu dhameystiro heshiiska Iran — uu duqeyn ku qaaday bartilmaameed uu ku sheegay mid Xizbullah leedahay oo ku yaalla duleedka Beirut, caasimadda Lubnaan. Israel ayaa sheegtay in weerarkaasi uu ahaa jawaab-celin ka dhan ah weerar Xizbullah ku dhaawacday laba askari oo Israeli ah.

Dhab ahaantii, Netanyahu wuxuu u muuqday inuu galay dabin siyaasadeed oo adag.

Haddii uu iska ilaalin lahaa inuu xilligaas ka jawaabo weerarka Xizbullah, dhaleeceeyayaashiisa sii kordhaya, oo ay ku jiraan siyaasiyiin ka tirsan garabka midig ee Israel, waxay u badan tahay inay ku eedeyn lahaayeen inuu oggolaaday in “xeer cusub” uu ka hirgalo gobolka.

Weerar lagu qaado Beirut waxaa loo arki karay arrin Israel looga dhigay meel aan la taaban karin, sababtoo ah xiriirka Iran iyo Xizbullah iyo dadaalka Trump ee uu ku doonayay inuu heshiis kula gaaro Tehran.

Laakiin Netanyahu oo go’aansaday inuu weerarka fuliyo ayaa sidoo kale khatar weyn u ahaa siyaasaddiisa, maadaama tallaabadaas loo arki karay isku day lagu carqaladeynayo heshiiska Mareykanka iyo Iran, xilli uu ku dhowaa in la dhameystiro.

Tallaabadaas waxay sidoo kale Netanyahu gelisay khilaaf kale oo cusub oo kala dhexeeya Trump, markii saddexaad oo xiriir ah saddex toddobaad gudahood, kuna saabsan xorriyadda ay Israel u leedahay inay ka jawaabto weerarrada Xizbullah ee Lubnaan.

Arrinta xusidda mudan ayaa ah in Israel aysan weerarka kala tashan ama la isku dubbaridin Mareykanka. Waxay kaliya militariga Mareykanka ogeysiisay daqiiqado ka hor inta uusan weerarku bilaaban, sida ay sheegeen laba mas’uul oo xogta ka hadlay, kuwaas oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin sababo la xiriira xasaasiyadda arrimaha amniga.

Haddii ujeeddada Netanyahu ay dhab ahaantii ahayd inuu burburiyo heshiiska Mareykanka iyo Iran ee markaas la sugayay, wuxuu ku fashilmay inuu saadaaliyo sida xooggan ee Trump ugu dhaqaaqi doono badbaadinta heshiiskaas.

Saddex saacadood kadib markii Israel heshay xog muujineysa in Iran ay isu diyaarineysay inay weerar gantaallo ah ku qaaddo Israel habeenka Axadda, labada mas’uul ee difaaca ayaa sheegay in Israel ay ogaatay in Iran joojisay diyaar-garowgaas. Tehran ayaa sida muuqata tallaabadaas u qaaday si ay Trump fursad ugu siiso inuu xaaladda dejiyo, heshiiskana dhameystiro.

Israel ayaa hadda bilowday inay tiriso meelaha ay ku fashilantay istaraatiijiyaddii weynayd ee Netanyahu ee ka dhanka ahayd Iran.

Dad badan oo Israeli ah ayaa sidoo kale sii rumeysanaya in heshiiskan cusub uu ka dhigi doono heshiiskii nukliyeerka Iran ee 2015 mid “kaamil ah marka la barbar dhigo,” sida uu Isniintii ku qoray wargeyska Maariv qoraaga taariikh-nololeedka Netanyahu, Ben Caspit.

Dhibaatooyinka Netanyahu ma aha oo kaliya waxa ku jira heshiiska, balse sidoo kale waa sida uu heshiisku u muujiyay xadeynta awoodda Israel marka Mareykanku doorto inuu waddo diblomaasiyadeed qaado.

Netanyahu wuxuu muddo dheer siyaasaddiisa ku dhisay fikrad ah in Iran laga hor istaago inay yeelato awood nukliyeer, lagana hortago xoojinta xulafadeeda gobolka. Laakiin heshiiskan hordhaca ah, sida ay muujinayaan faahfaahinta la hayo, wuxuu ka tegayaa dhowr arrimood oo Israel u aragto halis toos ah.

Gantaallada Iran lama xakameyn. Kooxaha ay taageerto lama goyn. Su’aasha nukliyeerkana weli jawaab cad looma helin.

Dhanka kale, cunaqabateyn la khafiifiyo waxay Iran siin kartaa dhaqaale ay dib ugu dhisto saameynteeda gobolka, taas oo ka hor imaaneysa mid ka mid ah yoolalkii ugu waaweynaa ee Israel ay ka lahayd dagaalka.

Netanyahu wuxuu hadda wajahayaa xaalad siyaasadeed oo aad u adag: gudaha Israel wuxuu la kulmayaa dhaleeceyn sii kordheysa, dibaddana wuxuu arkayaa Trump oo aan u muuqan mid diyaar u ah inuu u oggolaado Israel inay wiiqdo heshiiska uu Washington doonayo.

Dagaalkii Netanyahu rajeynayay inuu ku noqdo caddeyn muujisa hoggaankiisa adag ee ka dhanka ah Iran, wuxuu hadda isu beddeli karaa dhacdo kale oo muujisa xaddidaadda awooddiisa, hoos u dhaca saameyntiisa Washington, iyo khatar cusub oo ku wajahan mustaqbalkiisa siyaasadeed.

- Advertisement -

Read more

Local News