25.7 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Cirro oo maamuus wayn loogu sameeyay xarunta Baarlamaanka Israa’iil + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Tel Aviv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo weli ku sugan Israa’iil ayaa maanta la geeyay xarunta Baarlamaanka ee Knesset, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Cirro iyo wafdigiisa oo ay qayb ka yihiin Marwada Koowaad, wasiirro iyo xubno kale oo ka tirsan Madaxtooyada ayaa marka ay tageen xarunta Baarlamaanka Israa’iil lagu qaabilay hab-maamuus dhammaystiran oo leh Haybad Qaran (Guard of Honour), taasi oo ka tarjumaysa heerka maamuuska, ixtiraamka iyo qaddarinta ay Dawladda Israa’iil u hayso Jamhuuriyadda Somaliland, Hoggaankeeda iyo madaxdeeda, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Sidoo kale, inta uu ku guda jiray booqashada wuxuu Madaxweynuhu saxiixay buugga martida sharafta ee madaxda caalamka ee booqda Knesset-ka, isaga oo ku qoray farriin ka turjumaysa qiimaha dimuqraadiyadda, nabadda, xasilloonida, iskaashiga, saaxiibtinimada iyo xidhiidhka sii kobcaya ee ka dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil, taasi oo faa’iido u leh labada shacab.

Intaas kadib labada dhinac ayaa ka wada-hadlay muhiimadda uu leeyahay iskaashi dhow oo ay yeeshaan labada Baarlamaan, si looga faa’iideysto fursahaha labada dhinac, gaar ahaan is-dhaafsiga aqoonta iyo waayo-aragnimada ka dhexeeya Hay’adaha Sharci-dejinta ee labada dhinac, taasoo door muhiim ah ka qaadan doonta xoojinta dimuqraadiyadda, Axsaabta Siyaasadda iyo hannaanka doorashooyinka.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale si mug leh ugu mahadnaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Israa’iil, Mudane Amir Ohana, Hoggaanka, Mudanayaasha iyo Marwooyinka Aqalka Barlamaanka Israa’iil (Knesset) sida sharafta iyo maamuuska sare leh ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo weftigiisa.

Booqashada Cirro ee Knesset-ka ayaa waxa ay ka mid tahay dhaq-dhaqaaqyada uu haatan ka wado Israa’iil, halkaas oo uu markii labaad tegayo, tan iyo markii uu bilowday xiriirka diblumaasiyadeed ee Hargeysa iyo Tel Aviv.

“Dhacdooyinka taariikhiga ah ayaa ka markhaati kacaya doorka sii kordhaya ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay arrimaha gobolka iyo caalamka, iyada oo sii adkaynaysa sumcadda, haybadda iyo muuqaalka wacan ee ay JSL ku leedahay Masraxayada Caalamka,” ayaa gabagabadii lagu yiri qoraalka.

- Advertisement -

Read more

Local News