27.4 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Muungaab oo lagu maamuusay Billad Sharaf heerkeedu sarreeyo + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xalay la guddoon siiyay Billad Sharaf uu heerkeedu sareeyo, kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno, Guddoomiye Ku-xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Odayaasha Dhaqanka, Waxgarad, Wakiillo ka socday Bulshada Rayidka, Haween, Dhalinyaro iyo marti sharaf kale.

Billaddan oo ay Muungaab ugu talagaleen shacabka ku dhaqan caasimada ayaa ku mutaystay hoggaamintiisa hufan iyo horumarka la taaban karo ee uu ka hirgeliyay magaalada Muqdisho muddada sanadka ah ee uu xilka hayo.

Sidoo kale, abaalmarintan oo ay bixisay hay’addda Somali Night Awards ayaa ka tarjumaysa qaddarinta iyo mahadcelinta bulshada Soomaaliyeed ee ku aaddan dadaallada Guddoomiye Muungaab ee adeegyada dhismaha iyo dib-u-habaynta kaabayaasha dhaqaalaha, tayeynta waxbarashada, daryeelka caafimaadka, taakuleynta bulshada nugul, Kor-u-qaadista bilicda iyo magaaleynta caasimadda, iyo dejinta xeer-nidaamiyeyaal iyo shuruuc muhiim ah oo saldhig u noqday maamul hufan, isla-xisaabtan iyo horumar hiigsi leh.

Dhammaan mas’uuliyiintii iyo marti sharaftii munaasabadda ka hadlay ayaa xusay in muddada kooban ee uu Guddoomiye Muungaab hoggaaminayay Maamulka Gobolka Banaadir uu Muqdisho ka hirgeliyay isbeddello muuqda oo dhinacyo badan leh, kuwaas oo sare u qaaday adeegyada bulshada, nadaafadda, bilicda iyo kalsoonida shacabka ku qabaan dowladdooda.

Intaas kadib waxaa hadalka qaatay Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ugu horreyn uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adda bixisay abaalmarinta dhiirrigelintooda dadaallada horumarineed ee maamulka Gobolka Banaadir. Waxa uu xusay in aqoonsigan uu uga dhigan yahay shidaal cusub oo uu ku sii xoojinayo hawlaha lagu horumarinayo Muqdisho.

Muungaab ayaa shaaca ka qaaday in dadaalladooda ay sii wadi doonaan, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan hormumarinta caasimada, isaga oo ku dhawaaqay in sanadkan ay dhammaystiro doonaan dhammaan waddooyinka Muqdisho, sidoo kalena ay hirgelin doonaan mashaariicyo waa wayn oo muhiim ah.

Maamulka Gobolka ee uu hogaaminayo ayaa sanadkii lasoo dhaafay ku guuleystay hirgelinta ballan qaadyadii uu horay u sameeyay Duqa, wuxuuna mar kale ku dhawaaqay  tallaabooyin kale oo uu qaadayo, si loo hormariyo caasimada.

“Waxaan sii laba jibbaari doonnaa howlaha horumarineed ee ka socda caasimadda, sida nadaafadda iyo guud ahaan adeegyada bulshada,” ayuu yiri Guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

default

default

- Advertisement -

Read more

Local News