Tel Aviv (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland iyo Israa’iil ayaa mar kale qaaday tallaabo ay ku xoojinayaan iskaashigooda, waxayna maanta fureen Madashii ugu horraysay ee Ganacsiga Somaliland iyo Israa’iil, taasi oo lagu qabtay magaalada Tel Aviv.
Madashan oo ay wadajir u soo qaban-qaabiyeen Machadka wax Dhoofinta (Institute of Export) iyo Waaxda Dhaqaalaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda, ayaa waxaa ka qayb-galay Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefdigiisa ee booqashada ku joogay Israa’iil. Sidoo kale, Madasha ayaa kulmisay in ka badan laba boqol oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha ganacsiga, maalgashadayaasha iyo wakiillada shirkadaha waaweyn ee Israa’iil.
Ujeeddada loo soo agaasimay Madasha Ganacsiga Somaliland iyo Israa’iil (Somaliland-Israel Business Forum) ayaa ah xoojinta iskaashiga dhaqaale ee labada dhinac, iyada oo diiradda la saarayo ballaadhinta fursadaha ganacsi, maalgashiga tooska ah, iyo iskaashi dhab ah dhinacyo badan leh oo dhex mara labada dal iyo shacab.
Waxaa kale oo si qoto dheer looga hadlay sidii loo fududeyn lahaa isu-socodka ganacsiga iyo abuurista jawi dhiirrigelinaya maalgashiga labada dal.
Labada dhinac ayaa sidoo kale is-waydaarsaday fikrado la xiriira horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, tamarta, biyaha, beeraha, caafimaadka, isgaadhsiinta iyo adeegyada casriga ah, kuwaas oo dhammaantood loo arko tiirarka ugu muhiimsan ee kobaca dhaqaalaha.
Somaliland iyo Israa’iil ayaa isla gartay in la xoojiyo muhiimadda ay leedahay gudbinta aqoonta iyo tiknoolajiyadda casriga ah (technology transfer), taas oo la filayo in ay door weyn ka qaadato tayeynta adeegyada iyo kobcinta xirfadaha shaqo ee dalka.
Madaxweyne Cabdiraxman Cirrro oo madasha ka hadlay ayaa xaqiijiyey in ganacsatada, maalgashadayaasha iyo halbuurayaasha reer Israa’iil aanu keliya albaabada ganacsi ee Somaliland aanay u furnayne, balse qalbiyada ummadda Jamhuuriyadda Somaliland ay u furan yihiin. Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu xaqiijiyey in Somaliland ay diyaar u tahay soo dhaweynta ganacsatada iyo maalgashiga Israa’iil, isla markaana ay tahay dal leh fursado istaraatiiji ah oo ku yaalla marin muhiim ah oo ganacsiga caalamka ah, taas oo ka dhigaysa goob soo jiidasho u leh maalgashadayaasha.
Si kastaba, ha’ahaatee dhismaha Madashani ayaa astaan u ah xoojinta xiriirka dhaqaale ee Somaliland iyo Israa’iil, iyo in si dhab ah loo xaqiijiyo iskaashi dhaqaale oo wax-ku-ool ah, kaas oo horseedi kara horumar nacfi leh iyo is-faham qoto dheer oo labada dhinac ah.


