25.4 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Daawo: Xasan iyo Ruto oo ku kulmay beer ku taalla magaalada Narok

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqasho shaqo ku gaaray dalka Kenya ayaa goordhow kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalkaas Mudane William Ruto.

Kulanka oo ka dhacay beer ku taalla magaalada Narok ayaa labada Madaxweyne waxay diiradda ku saareen arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dal.

Sidoo kale waxaa kulanka madaxda Soomaaliya iyo Kenya lagu soo qaaday ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo guud ahaan horumarka gobolka, sida ay shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya oo baahisay muuqaalka labada Madaxweyne.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in inta uu joogo dalka Kenya inuu la shiro wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah ee sida dhow ula socda xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin ajandaha kulamadaas.

Kenya ayaa ka mid ah waddamada dariska ah ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, waxayna sidoo kale ka qayb-qaadataa howlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika, kaas oo xooga saaro amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab.

Safarkan ayaa ku soo aadaya xilli ay mucaaradka Soomaaliya ku baaqeen qabashada doorashooyin toos ah oo degdeg ah, iyagoo dalbanaya in la helo hannaan doorasho oo ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada siyaasadda dalka.

Doodaha ku saabsan nooca doorashada iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay sii xoogeysanayay, iyadoo dowladda federaalka iyo mucaaradkuba ay soo bandhigayaan aragtiyo kala duwan oo ku saabsan mustaqbalka doorashooyinka Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News