Washington (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed oo cusub, kadib markii taageeradii uu muddada dheer ka heli jiray xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ay muujisay dildilaac aan hore loo arag.
Muddo ka badan 15 sano, Netanyahu wuxuu ku tiirsanaa xiriir adag oo uu la dhistay xisbiga Jamhuuriga, xilli taageerada xisbiga Dimoqraadiga ee Israel ay si tartiib ah u sii yaraaneysay. Hase yeeshee, dagaalka Gaza, duqeymaha ballaaran ee Israel iyo xiisadda ka dhalatay dagaalka Iran ayaa hadda abuurtay xaalad cusub oo Washington ka dhex dhalisay su’aal adag: Jamhuuriga ma sii ahaan doonaan garabka ugu adag ee Israel?
Dhibaatadan cusub waxay ka bilaabatay heerka ugu sarreeya ee xisbiga Jamhuuriga. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo muddo dheer loo arkayay saaxiibka ugu dhow ee Netanyahu, ayaa dhowr jeer muujiyay caro uu ka qabo hab-dhaqanka ra’iisul wasaaraha Israel.
Sida lagu sheegay buug cusub oo ay qoreen Maggie Haberman iyo Jonathan Swan, Trump ayaa bishii Sebtember 2025 Netanyahu ku cadaadiyay inuu aqbalo heshiis nabadeed oo Gaza ku saabsan, isagoo uga digay in xiriirka labada dal uu geli karo “furriin” haddii Israel ay diido waddadaas.
Axios ayaa sidoo kale qortay in Trump uu si gaar ah uga carooday Netanyahu, isagoo ka digay in tallaabooyinka Israel ay sii go’doomin karaan dalkaas. Trump ayaa markii dambe sheegay in xiriirkiisa Netanyahu uu wanaagsan yahay, balse uu ku daray in ay tahay in “xoogaa la dejiyo”.
Muranka ugu weyn ee hadda taagan wuxuu la xiriiraa heshiiska Iran. Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa si cad ugu digay xubno ka tirsan dowladda Israel oo dhaliilay heshiiska Trump ee Tehran.
“Haddii aan ka mid ahaan lahaa golaha wasiirrada Israel, ma weerareen saaxiibka kaliya ee awoodda leh ee aad dunida ku leedihiin,” ayuu yiri Vance, isagoo farriin adag u diray madaxda Israel.
Hadalkaas wuxuu muujiyay in Washington aysan hadda si sahlan u aqbali doonin in Netanyahu uu cadaadis joogto ah ku hayo siyaasadda Mareykanka ee Bariga Dhexe, gaar ahaan marka Trump uu doonayo inuu soo afjaro dagaallada gobolka.
Dhinaca kale, garabka “America First” ee xisbiga Jamhuuriga ayaa si xooggan u sii kordhiyay dhaliisha Israel. Dadka codka dheer ku leh garabkaas, oo ay ka mid yihiin Tucker Carlson, Megyn Kelly iyo Marjorie Taylor Greene, ayaa si furan u dhaliilay taageerada Mareykanka ee Israel, iyagoo ku doodaya in Washington ay mudnaanta siiso danaha Mareykanka.
Carlson ayaa si gaar ah ugu eedeeyay Netanyahu inuu Trump ku riixay dagaalka Iran, halka dooddaas ay si weyn uga dhex faaftay baraha bulshada ee taageerayaasha midigta Mareykanka.
Doodda Israel ayaa sidaas ku noqotay tijaabo cusub oo lagu kala saarayo Jamhuuriga dhaqanka ah iyo garabka “America First”. Qaar ka mid ah dhalinyarada midigta ayaa hadda u arka taageerada Israel astaan muujineysa in siyaasiyiinta Washington ay ka tageen ballanqaadkii ahaa in Mareykanka la hor mariyo.
Si kastaba, arrintan waxay sidoo kale siisay fursad kooxo xagjir ah oo faafiya hadallo ka dhan ah Yuhuudda, kuwaas oo muddo ku eedeynayay siyaasiyiinta muxaafidka ah inay si xad dhaaf ah ugu daacad yihiin Israel. Taasi waxay walaac ku abuurtay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Jamhuuriga iyo kooxaha taageera Israel.
Codbixinnada cusub ayaa muujinaya isbeddelka socda. Pew Research Center ayaa bishii Abriil sheegtay in afar ka mid ah 10-kii Jamhuuriga ay aragti taban ka qabaan Israel. Tiradaas waxay aad ugu badan tahay dadka da’da yar, iyadoo 57 boqolkiiba Jamhuuriga da’doodu u dhexeyso 18 illaa 49 ay sheegeen inay Israel si taban u arkaan.
Quinnipiac University ayaa sidoo kale bishan sheegtay in 20 boqolkiiba Jamhuuriga ay aaminsan yihiin in Mareykanka uu si xad dhaaf ah u taageero Israel. Inkastoo tiradaas ay weli ka yar tahay Dimoqraadiyiinta iyo kuwa madax-bannaan, haddana waxay saddex jibbaar ka badan tahay heerkii la diiwaangeliyay kadib weerarradii Hamas ee 7-dii Oktoobar 2023.
Dagaalka Gaza ayaa si gaar ah u beddelay aragtida dhalinyarada Jamhuuriga. Codbixin ay sameysay University of Maryland ayaa muujisay in 46 boqolkiiba Jamhuuriga ay aaminsanaayeen in tallaabooyinka militari ee Israel ay ku jiraan xaqa is-difaaca, balse taageeradaas waxay 22 boqolkiiba keliya ka ahayd Jamhuuriga da’doodu u dhexeyso 18 illaa 34.
Professor Shibley Telhami, oo hoggaamiya daraasaddaas, ayaa sheegay in “wax weyn ay ka dhex socdaan dhalinyarada Jamhuuriga”, isagoo tilmaamay in dagaalka Gaza iyo kan Iran ay dedejiyeen kala fogaanshaha cusub.
Si kastaba ha ahaatee, Jamhuuriga guud ahaan weli waxay si xooggan u taageeraan Israel. Gallup ayaa bishii Febraayo sheegtay in 70 boqolkiiba Jamhuuriga ay weli u damqadaan Israel marka la barbardhigo Falastiiniyiinta, inkastoo tiradaas ay hoos uga dhacday 2024.
Ralph Reed, oo ah aasaasaha Faith & Freedom Coalition, ayaa sheegay in hoggaanka Jamhuuriga iyo bulshada evangelical-ka ay weli si adag u garab taagan yihiin Israel. Laakiin wuxuu ka digay in hoos u dhaca taageerada guud ee Mareykanka uu yahay arrin khatar ku ah mustaqbalka xiriirka labada dal.
Su’aasha ugu weyn waxay hadda tahay in dhibaatadan ay ku kooban tahay Netanyahu oo keliya, mise ay taabaneyso sawirka Israel guud ahaan. Netanyahu ayaa wajahaya mid ka mid ah tartammadii doorasho ee ugu adkaa noloshiisa siyaasadeed, waxaana muuqata in xiriirkii uu muddo dheer ku dhisay Jamhuuriga Mareykanka uusan hadda sidii hore u adkeyn.
Haddii Israel ay lumiso taageerada jiilka cusub ee Jamhuuriga, Netanyahu kaliya ma wajahayo dhibaato gudaha ah, balse Israel lafteeda ayaa lumin karta mid ka mid ah tiirarkii ugu muhiimsanaa ee siyaasadda Washington.

