26.5 C
Mogadishu
Friday, July 3, 2026

R/W Xamza oo si carro leh u weeraray Deni: Ma jirto cid naga hor istaagi karta…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa si caro leh uga jawaabay diidmada maamulka Puntland ee ku aaddan joogitaanka ciidamada Dowladda Federaalka ee deegaannada maamulkaas, isagoo sheegay in dowladda aysan marnaba ka laaban doonin.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ku adkeystay in arrintan ay tahay waajib dastuuri ah oo saaran Dowladda Federaalka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda ay mas’uul ka tahay daryeelka dhammaan ciidamada qaranka, meel kasta oo ay ka yimaadaan, isla markaana aysan jirin cid ka hor istaagi karta inay helaan xuquuqdooda.

“Waa waajib dowladda saaran in askarigaas la siiyo mushaarkiisa, darajadiisa iyo xuquuqdiisa. Arrintaas dembi kama dhigi karto cid kasta oo diidan,” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre.

Xamza ayaa sidoo kale dhaliilay waxa uu ku tilmaamay siyaasiyiin isku dayaya inay carqaladeeyaan isu socodka dadka iyo hirgelinta howlaha dowladda, isagoo sheegay inaan la aqbali karin in ciidamada qaranka laga hor istaago helitaanka xuquuqdooda sharciyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka ay sii wadi doonto diiwaan-gelinta iyo bixinta xuquuqda ciidamada ku sugan Puntland, isagoo sheegay in diiwaan-gelinta la sii wadi doono xitaa haddii tirada ciidamada ay gaarto 30 kun oo askari.

Sidoo kale, Xamza Cabdi Barre ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, inuu hor istaagay mashaariic horumarineed oo Dowladda Federaalka ka fulin lahayd maamulkaas. Wuxuu tusaale u soo qaatay mashruuca dhismaha waddada isku xirta Xarfo iyo Gaalkacyo oo uu sheegay in la hakiyay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in maamulka Puntland uu diiday shaqaaleysiinta boqolaal dhallinyaro ah oo loo diyaariyay inay noqdaan macallimiin, taas oo uu ku tilmaamay inay dhaawacayso fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Hadalka Xamza Cabdi Barre ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland. Sidoo kalena waa jawaab toos ah oo ku socota Madaxweyne Deni, oo maalmo ka hor si kulul u weeraray Ra’iisul Wasaaraha, kuna eedeeyay inuu qeyb ka yahay qorsheyaal lagu wiiqayo xasilloonida maamulka Puntland.

- Advertisement -

Read more

Local News