Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda Talyaaniga, kaas oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga, Matteo Piantedosi.
Kulanka Madaxweynaha iyo wafdiga Talyaaniga ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, kaas oo soo jiray muddo dheer.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada-hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta hay’adaha dowladda, maareynta socdaalka iyo xuduudaha, iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dal.
Intii uu kulanku socday, waxaa sidoo kale la isla soo qaaday sidii Soomaaliya iyo Talyaanigu ay u sii ambaqaadi lahaayeen iskaashi istaraatiiji ah oo ku dhisan danaha guud ee labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey muhiimadda ay Soomaaliya siinayso xiriirka qotada dheer ee kala dhexeeya dowladda Talyaaniga, isaga oo tilmaamay inuu yahay xiriir taariikhi ah oo muhiim u ah labada dal.
Madaxweynaha ayaa xusay in iskaashiga Soomaaliya iyo Talyaanigu uu laf-dhabar u yahay dadaallada dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, xasilloonida dalka iyo horumarka guud ee Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa leh xiriir soo jireen ah, iyadoo labada dowladood ay muddooyinkii u dambeeyey sii xoojinayeen wada-shaqeynta dhinacyada amniga, horumarinta hay’adaha dowladda iyo arrimaha kale ee mudnaanta u leh labada dal.










