25.1 C
Mogadishu
Saturday, July 4, 2026

Horjoogayaal Shabaab ah oo lagu dilay duleedka Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa faah-faahin ka bixisay howlgal culus oo ay maanta ka fulisay deegaanka Basra oo kamid ah deegaannada u dhow magaalada Muqdisho, isla markaana ay joogaan Al-Shabaab.

NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgalka lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad uu shir uga socday duleedka deegaanka Barsa ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu laayay goobta, sida lagu sheegay bayaanka.

Ugu yaraan 8 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare ayaa lagu dilay howlgalka, sida ay shaacisay Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya.

Horjoogayaasha la dilay oo laba ah ayaa qaabisanaaa qaybta qaraxyada miinooyinka iyo weerarrada hoobiyeyaasha, iyada oo lala dilay lix xubnood oo kale.

“Bartilmaameedka howlgalka oo ahaa goob ay Khawaarijta ku shiraayeen oo ku taalla hareeraha jiinka webiga ee duleedka Basra ayaa lagu dilay horjoogihii kooxda u qaabilsanaa dhagaraha miinooyinka iyo horjoogihii kooxda fulisa weerarrada argagixiso ee loo adeegsado hoobiyeyaasha nooca 107mm, kaas oo lagu magacaabi jiray Axmed Eybka Caalim (Daqare) iyo lix xubnood oo kale oo ka tirsanaa kooxdiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hay’adda NISA.

Hay’addu waxa ay intaas ku dartay in maydadka xubnaha la laayay ay qaadatay kooxda, kadibna ay si qarsoodi ah ugu aastay deegaan kae.

“Xog Sirdoon ayaa sidoo kale xaqiijisay in cadowgu maydadka horjoogayaashii lagu dilay ka qaadeen goobta howlgalka, iyaga oo si qarsoodi ah ugu aasay deegaan kale,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhanka kale NISA ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto beegsiga kooxda, isla markaana ay ka hortageyso isku day kasto oo ay kooxda ku dooneyso inay kusoo abaabusho weerarro ay ku carqaladeyneyso amniga iyo xasiloonida dalka.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah ayaa kordhiyay howlgallada iyo duqeymaha lagu beegsanayo maleeshiyada Al-Shabaab ee weli ku sugan qaybo badan oo kamid ah dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News