24.8 C
Mogadishu
Thursday, July 9, 2026

DF oo war kasoo saartay wada-hadallada mucaaradka, shaacisay wixii la isku raacay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay wada-hadallada magaalada Muqdisho uga bilowday dowladda iyo mucaaradka, kaas oo ay garwadeen ka tahay beesha caalamka.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulanka uu socday saacado badan, isla markaana diiradda lagu saaray arrimaha siyaasadda dalka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka iyo qodobbada ay ku kala aragti duwan yihiin dowladda iyo mucaaradka.

Sida lagu sheegay bayaanka, labada dhinac waxay isku afgarteen in la sii wado wada-hadallada loo dhan yahay, iyadoo ujeeddadu tahay in xal looga gaaro arrimaha taagan, laguna xoojiyo xasilloonida siyaasadeed, amniga iyo horumarka dalka.

“Kulanka wuxuu kusoo dhammaaday jawi isfaham, waxaana lagu ballamay in ay sii socdaan shirarka, iyadoo la raadinayo xasilloonida siyaasadeed iyo tan amni,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladdu waxay sidoo kale uga mahadcelisay dowladda Turkiga doorka ay ka qaadatay fududeynta wada-hadallada, iyadoo ku ammaantay dadaallada Ankara ee lagu dhiirrigelinayo isu soo dhowaanshaha dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Wada-hadalladan ayaa imanaya xilli mucaaradku uu dhowaan soo bandhigay hindise ku saabsan nooc doorasho oo uu aaminsan yahay in dalka laga qaban karo, halka Dowladda Federaalka ay weli ku adkeysaneyso hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, iyadoo ku tilmaantay inay tahay hannaan awoodda dib ugu celinaya shacabk.

Kulamadan ayaa kusoo beegmaya xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, kaas oo horey u sababay xiisado amni iyo iska horimaadyo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dowladda Turkiga iyo qaar ka mid ah saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa wada dadaallo lagu doonayo in labada dhinac ay ku gaaraan heshiis siyaasadeed oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo qodobbada kale ee la isku hayo.

- Advertisement -

Read more

Local News