24.7 C
Mogadishu
Saturday, July 11, 2026

Sacuudiga oo tababaraya 5,000 oo askar Soomaali ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Guriceel (Caasimada Online) – Wafdi militari oo ka socda dowladda Sacuudi Carabiya ayaa booqday laba xero oo ku yaalla magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo lagu tababarayo ciidamo hoos taga dowladda federaalka Soomaaliya.

Booqashada ayaa qeyb ka ah barnaamij ay maalgelinayso dowladda Sacuudiga, kaas oo lagu tababarayo cutubyo cusub oo la qorsheynayo inay ku biiraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in barnaamijku uu gaarsiisan yahay tababarka 5,107 askari, kuwaas oo ku kala sugan labada xero ee uu wafdiga Sacuudigu booqday.

Askartaas waxaa la sheegay inay ku jiraan ku dhowaad 2,000 oo dhalinyaro ah oo laga soo qoray deegaannada Puntland, halka ciidamada kale laga soo ururiyey gobollo kala duwan oo dalka ah.

Tababarka ayaa la qorsheeyey inuu socdo muddo sagaal bilood ah, si ciidamada loo siiyo xirfadaha aasaasiga ah ee militariga, nidaamka hawlgallada iyo tababarrada la xiriira dagaalka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in tababarka ay bixinayaan macallimiin militari oo ajaanib ah, kuwaas oo ka kala socda dalalka Romania, Ukraine, Koonfur Afrika iyo Colombia. Dowladda Soomaaliya weli si faahfaahsan ugama hadlin qaabka loo soo xulay tababarayaasha iyo nooca tababarka ay ciidamada siinayaan.

Heshiiska Soomaaliya iyo Sacuudiga

Booqashada wafdiga ayaa ku soo aadeysa dhowr bilood kaddib markii Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya ay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan iskaashiga difaaca iyo militariga.

Heshiiskaas oo 9-kii Febraayo 2026 lagu saxiixay magaalada Riyadh ayaa lagu sheegay inuu xoojinayo xiriirka difaaca, tababarka ciidamada iyo iskaashiga dhinacyada ay labada dal danaha wadaagga ah ka leeyihiin.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa heshiiska la saxiixday dhiggiisa Sacuudiga, Amiir Khalid bin Salman, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin dhammaan qodobbada uu ka kooban yahay.

Barnaamijka ka socda Guriceel ayaa u muuqda mid ka mid ah tallaabooyinka ugu horreeya ee la xiriira hirgelinta iskaashigaas, iyadoo Sacuudigu doonayo inuu ballaariyo kaalintiisa dhinaca amniga Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Dowladda federaalka ayaa sannadihii lasoo dhaafay heshiisyo tababar iyo taageero militari la gashay dalal dhowr ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Turkiga, Mareykanka, Imaaraadka Carabta, Masar, Eritrea iyo Uganda.

Dalalkan ayaa tababara cutubyo kala duwan oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya, balse marar badan waxaa soo baxa walaac ku saabsan isku-dubarid la’aanta barnaamijyada, kala duwanaanshaha habka tababarka iyo cidda amar siineysa ciidamada marka ay dhameystaan koorsooyinka.

Loollanka saameynta gobolka

Ballaarinta taageerada militari ee Sacuudiga ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordhayso tartanka dalalka gobolka iyo quwadaha caalamka ugu jiraan saameynta Soomaaliya.

Soomaaliya waxay ku taallaa goob istaraatiiji ah oo isku xirta Badweynta Hindiya, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, waxaana xeebteeda dheer muhiimad gaar ah siinaya dalalka doonaya inay ilaashadaan marinnada ganacsiga iyo amniga badda.

Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in tababarrada ciidamada iyo maalgelinta mashaariicda amniga aysan ku koobneyn oo keliya dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, balse ay sidoo kale qeyb ka yihiin dadaallada dalalka shisheeye ku doonayaan inay xiriir dhow kula yeeshaan dowladda Soomaaliya.

Barnaamijkan ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli dowladda federaalka ay wajahayo caqabado amni iyo khilaafyo siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo xiriirka kala dhexeeya qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada.

Ka mid noqoshada dhalinyaro laga soo qoray Puntland ayaa si gaar ah isha loogu hayaa, maadaama uu weli jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda federaalka.

Ma cadda in ciidamadaas ay dowladda federaalku si toos ah uga qoratay Puntland iyo in deegaankaas ay tegi doonaan kadib tababarka, mana jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo ku saabsan askarta la sheegay inay qeybta ka yihiin tababarka Guriceel.

- Advertisement -

Read more

Local News