24.9 C
Mogadishu
Saturday, July 11, 2026

Horjooge Mayow Cali Muuse oo usoo gacan galay ciidanka DF

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Horjooge Mayow Cali Muuse ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay baahisay warbaahinta ciidamada qalabka sida.

Mayow ayaa muddo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, wuxuuna u qaabilsanaa ururinta waxa ay kooxdu ugu yeerto sakawaadka, kuwaas oo uu ka qaadi jiray shacabka ku nool deegaanka Mubaarak iyo deegaannada hoos yimaada.

Sida ay dowladda sheegtay, horjoogahan oo muddo ku dhuumaaleysanayay deegaannada miyiga ah ayaa u adkeysan waayay cadaadiska joogtada ah ee ciidanka xoogga dalka, ugu dambeyntiina wuxuu isku soo dhiibay ururka 203-aad ee guutada 20-aad kumaandooska Gor-Gor.

Cutubkan uu isku dhiibay ayaa ka howlgala deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ciidamada ay ka wadaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale, waxaa isla maanta isna isa soo dhiibay Maxamed Jaylaani Dayib, oo gudaha Al-Shabaab looga yaqaanay magaca Deeqow. Waxa uu isku dhiibay ururka 62-aad ee guutada 6-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo saldhiggoodu yahay magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Maxamed Jaylaani ayaa ku biiray Al-Shabaab sanadkii 2015, wuxuuna soo noqday wakiilka kooxda u qaabilsanaa deegaanka Jilib Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ninkan ayaa sida uu sheegay waxaa xilkaas laga qaaday sanadkii 2024. Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoojisay dadaallada lagu dhiirrigelinayo xubnaha Al-Shabaab inay ka soo goostaan kooxda oo ay isu soo dhiibaan ciidamada dowladda.

Horjooge Mayow Cali

- Advertisement -

Read more

Local News