25.6 C
Mogadishu
Sunday, July 12, 2026

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay raggii calanka Mareykanka ku xadgudbay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay afar eedeysane oo loo haysto inay ku xadgudbeen calanka Mareykanka, iyaga oo xiran dareeska Ciidamada Xoogga Dalka.

Raggan ayaa muuqaal ku baahiyay baraha bulshada, iyaga oo ku istaagayo calanka Mareykanka, taas oo ay ka dhalatay falcelin aan caadi aheyn.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in falkaas uu ka hor imaanayo anshaxa iyo xifradda ciidamada, sidoo kalena uusan ka tarjumeyn aragtideeda, maadaama haatan ay xiriir wanaagsan la leedahay dowladda Mareykanka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa waxaa lagu sheegay in eedeysanayaasha ay gacanta ku jiraan, isla markaana laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, waxayna kala yihiin;-

1-Cabdikhadar Mahad Cumar oo 22 sano jir ah, 2-Maxamed Raage Xuseen oo 16 sano jir ah, 3-Muudey Faysal Muudey oo 17 sano jir ah iyo 4-Maxamed Amiin Qaasim Muuse oo 15 sano jir ah.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in aan loo dulqaadan doonin fal kasta oo lagu dhaawacayo sharafta iyo sumcadda Ciidamada Qalabka Sida.

“Dhammaan shakhsiyaadkii ku lugta lahaa falkii lagu xadgudbay dareyska Ciidanka Qaranka iyo calanka Mareykanka ayaa gacanta lagu soo dhigay. Wasaaradda Gaashaandhigga waxay ka digaysaa in aan loo dulqaadan doonin fal kasta oo lagu dhaawacayo sharafta iyo sumcadda Ciidanka Qaranka,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Bayaankan waxaa ka horreeyay mid kale oo ay Sabtidii dowladda Soomaaliya ku sheegtay inay aad uga xun tahay dhacdada, iyada oo tilmaantay in ay si weyn u qadarinayso iskaashiga muddada dheer kala dhexeeya Maraykanka, ayna ilaalineyso xiriirka ka dhexeeya xukuumadaha Muqdisho iyo Washington.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka waa wayn ee taageerada siiya Soomaaliya, iyada oo bayaanka lagu xusay doorkiisa ku aadan la dagaallanka Al-Shabaab.

“Wadashaqeyntaas ayaa door muhiim ah ka qaadatay la dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish (ISIS), iyo xoojinta hay’adaha amniga Soomaaliya. Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay mar kale caddeynaysaa ixtiraamka ay u hayso shacabka iyo calanka Maraykanka, iyo sidoo kale iskaashiga waara ee ka dhexeeya labada dal” ayaa lagu yiri qoraal ay shalay soo saartay dowladda.

- Advertisement -

Read more

Local News